Kylian Mbappé oo 25 jir ah ayaa lagu soo dacweeyey booliska isagoo looga shakiyay inuu kufsi ka geystay hotel ku yaala bartamaha magaalada Stockholm, sida lagu sheegay xog uu siiyay TV4 Nyheterna. Dacwoodaha oo ah haweeney ayaa raadsatay daawayn waxayna si gaar ah farta ugu fiiqday xidigta kubbada cagta Faransiiska inuu yahay dambiilaha.Tilaabooyin baaris ah ayaa hadda la qaadayaa, ayay tiri dacwad oogaha Marina Chirakova.
Ciyaaryahanka kooxda Real Madrid Kylian Mbappé ayaa booqasho gaaban ku tagay dalka Sweden todobaadkii hore. Laba maalmood oo uu Stockholm joogay ayuu galabnimadii jimcaha ka dhoofay diyaarad khaas ah.
intii uu joogey Stockholm,wuxuu tagey meelo ay ka mid yihiin, goob lagu caweeyo iyo makhaayado, xidigaan reer Farans ayaa hadda waxaa lagu baarayaa tuhunka kufsiga, sida laga soo xigtay xogta la siiyay TV4 Nyheterna.
Qaanka dambi baarista dacwada hoteelka ayaa u dhacdey sidan ka dib markii
Qof dumar ah ayaa daawayn u doontay qaybta cisbitaalka ee dhibanayaasha la kufsaday Sabtidii,waxana ay sheegtay in uu kufsaday Kylian Mbappé. Tani marka loo eego xogta ay bixisey haweyneydaan.ka dib Booliiska ayaa soo diyaariyeen warbixinta ku saabsan kufsiga iyadoo Kylian Mbappé looga shakisan yahey falkaan, heerka shaki hoose. Sida laga soo xigtay Expressen, waxaa sidoo kale lagu baarayaa faraxumeyn.
Goobta dembiga uu ka dhacey waa Hotel Bank oo ku yaalla bartamaha Stockholm halkaasoo uu xiddiga kubbadda cagta kula noolaa dadkii la socday. Farsamo-yaqaanno ka tirsan booliiska ayaa baaritaanno ka sameeyay goobta.
Mbappé ayaa sheegay in uu yahey war been abuur ah
Xeer illaaliyaha hogaaminaya baaritaanka horudhaca ah ayaa xaqiijinaya in warbixinta kufsiga looga shakisan yahay ay heleen booliska, balse uu aad uga carooday xidiga kiiskan. Waxa kaliya ee aan dhihi karo waa dhacdo, fal-dembiyeed, oo kufsi loo aqoonsaday oo 10-kii Oktoobar ka dhacay bartamaha Stockholm, hoteel ku yaala. Ma xaqiijin karo ama ma diidi karo in qofka la magacaabay uu ku lug leeyahay arrintan, ayay tiri xeer-ilaaliye sare Marina Chirakova.
Sidee baad hadda u socotaa dhinaca baaritaanka?
Tilaabooyin baadhiseed oo dhawr ah ayaa la qaadayaa. Ma sheegi karo waxa ay yihiin.
Habeenkii Isniinta, ciyaaryahanka ayaa eedeymaha uga jawaabay bayaan uu soo saaray bartiisa twiterka ama X. wuxuuna yiri sida tan
"War been abuur ah," ayuu qoray Mbappé.
TV4 Nyheterna ayaa raadisay qareenka haweeneyda, kaasoo aan rabin inuu wax faallo ah ka bixiyo.Wixi warar ah ee ku saabskan kubada cagta waxaad kala socon kartaa halkaan maalin kasta iyo saacad kasta. https://www.footbool.net/ ama waxaad kaloo kala socon kartaan facebook bagekeen oo aan maalinkasta soo dhigno wixii warar ah ee ku saabsan kubbadda cagta. https://www.facebook.com/