Manchester United waxaa ka go'an inay Barcelona ku garaacdo saxiixa garabka Athletic Club Nico Williams xagaaga soo socda. (Fichajes - Spain)

Chelsea ayaa diyaar u ah inay bixiso lacag ka badan €120m (£100.3m) si ay ula soo wareegto ciyaaryahanka khadka dhexe ee Real Madrid Aurelien Tchouameni, kaasoo sidoo kale xiiso u qaba Manchester City ka dib dhaawaca Rodri. (Fichajes - Spain)

Dhanka kale, Chelsea ayaa ka shaqeyneysa heshiis Janaayo ay kula soo saxiixaneyso weeraryahanka Napoli Victor Osimhen, kaasoo amaahda uu kula joogo Galatasaray ay ku jirto qodob fasax ah jiilaalka. Kala wareejinta ayaa la filayaa inay ku kacdo wax ka yar £40m. (Football Insider)

Daafaca dhexe ee RB Leipzig Castello Lukeba ayaa soo jiitay xiiso weyn oo ka imaanaya Yurub oo dhan, iyadoo Aston Villa iyo Newcastle United ay ku biireen liiska kooxaha doonaya oo ay ku jiraan Chelsea iyo Real Madrid. (Caughtoffside)

Tottenham Hotspur ayaa diyaar u ah inay Aston Villa kula dagaalanto saxiixa weeraryahanka Inter Marcus Thuram. (Fichajes - Spain)

Barcelona ayaa diyaar u ah in ay Frenkie de Jong siiso lacag dhan 18 milyan oo euro oo u dhiganta (£15m) oo uu ku leeyahay mushaharka dib loo dhigay iyada oo shuruud uga dhigaysa in uu aqbalo in uu ka tago kooxda xagaaga dambe. De Jong waxaa laga yaabaa inuu u furnaado heshiiskaas. (Football Insider)

De Jong ayaa u soo baxay bartilmaameed muhiim ah oo ay Man City ku raadinayso badalka Rodri. (Fichajes - Spain)

Liverpool ayaa xiddiga garabka uga ciyaara AC Milan Christian Pulisic ku dartay liiska badalka Mohamed Salah hadii uu xiddiga Masar ka tago Sucuudiga xagaaga dambe. (Calciomercato – Italy)

Sidoo kale raadaarka Liverpool waxaa ku jira Karim Adeyemi oo ka tirsan Borussia Dortmund, kaasoo laga yaabo in lala soo saxiixdo qeyb ka mid ah weerarka ruxida.
Waxaa wadahadalo dhexmaray Liverpool iyo Feyenoord oo ku saabsan 23-jirka khadka dhexe ee Quinten Timber, oo ah walaalka la dhashay daafaca Arsenal Jurrien. (TEAMtalk)

Arsenal ayaa diyaar u ah inay iska iibiso weeraryahankeeda Gabriel Jesus bisha Janaayo 40 milyan oo euro oo u dhiganta (£ 33.4m) kooxda reer Brazil ee Palmeiras ayaa ka shaqeyneysa dib u midoobi hami leh. (Bolavip - Brazil)

Liverpool iyo Man Utd ayaa diyaar u ah inay Newcastle kula tartamaan saxiixa daafaca dhexe ee Crystal Palace Marc Guehi. (Football Insider)

Jorginho ayaa laga yaabaa inuu ka fariisto ciyaaraha dhamaadka xiliciyaareed kaan oo uu ka qabto shaqada tababarenimo ee Arsenal. (Football Insider)

Daafaca midig ee Bayer Leverkusen Jeremie Frimpong ayaa xiiso ka helaya kooxaha Man Utd iyo Man City. (Football Insider)
Wixi warar ah ee ku saabskan kubada cagta waxaad kala socon kartaa halkaan maalin kasta iyo saacad kasta. https://www.footbool.net/ ama waxaad kaloo kala socon kartaan facebook bagekeen oo aan maalinkasta soo dhigno wixii warar ah ee ku saabsan kubbadda cagta. https://www.facebook.com/


By Admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *