Toni Kroos ayaa xaqiijiyay inuu ogolaaday inuu ku biiro Manchester United 2014 ka hor inta aan David Moyes laga ceyrin shaqada tababaranimo.
Kroos ayaa isla xagaagaas ka tagay Bayern Munich kuna biiray Real Madrid laakiin u wareegistii xiddiga reer Jarmal ee Santiago Bernabéu ayaa ahaa mid suurto gashey oo kaliya kadib markii uu u dhaqaaqi waayey Man United kadib bixitaankii Moyes.

Isagoo ka hadlayay Podcast-kiisa Einfach mal Luppen, Kroos wuxuu qiray: “2014, ka hor inta aanan Real Madrid la saxiixin, waxaan horeyba ugu heshiiyey inaan la ciyaaro Manchester United, taasi waxay noqon laheyd ka dhaqaaqista Bayern una dhaqaaqo United.

“Laakin markaas waxay eryeen David Moyes, waxaan maqley anoo ku fadhiyey sariirtayda Munich, waxayna shaqaaleysiiyeen Louis van Gaal, ka dib si xushmad leh ayaan u diidnay." Kroos ayaa ka hoos shaqeeyay Van Gaal markii uu joogay Bayern Munich laakiin wararka ayaa sheegaya in ayna labadan qof ku raaxaysan xiriir adag taas oo keentay in uu burburo ku biiristiisii ​​Old Trafford.
Wararka xanta ah ee sheegaya inuu burburay Kroos waxaa markii ugu horeysay xaqiijiyay Moyes qudhiisa sanadkii 2018-kii.

“Toni Kroos waxa uu ogolaaday in uu iigu yimaado Manchester United” ayuu Moyes u sheegay talkSPORT. “Waan la kulmay isaga iyo xaaskiisa, waxaana ku heshiinay wax walba markii uu joogay Bayern.

“Laakiin waxaan doonayay kaliya in aan sameeyo ka hor dhamaadka xilli ciyaareedkan ka hor inta uuna ku biirin Real Madrid”.
Kroos ayaa 465 kulan u saftay Madrid tobankii sano ee ku xigay, isagoo kula guuleystay shan koob oo Champions League ah. Waxa uu ku dhawaaqay go'aankiisa inuu ka fariisto bishii Luulyo, ka dib markii Germany ay ka hartay Euro 2024 ka dib markii ay guuldarro ka soo gaartay Spain oo ugu dambeyntii ku guuleysatay quarter-final.




Wixi warar ah ee ku saabskan kubada cagta waxaad kala socon kartaa halkaan maalin kasta iyo saacad kasta. https://www.footbool.net/ ama waxaad kaloo kala socon kartaan facebook bagekeen oo aan maalinkasta soo dhigno wixii warar ah ee ku saabsan kubbadda cagta. https://www.facebook.com/

By Admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *