Rodri ayaa ku adkeystay inuu diirada saarayo Manchester City isagoo ka hadley wararka xanta ah ee isa soo taraya ee Real Madrid.
28-sano jirkaan ayaa kusoo baxay mid ka mid ah ciyaartoyda ugu fiican adduunka, waxaana dhawaanahan la isla dhexmarayay hadal heyn xooggan, iyadoo warar soo baxayay ay sheegayaan in Madrid ay ku dhow 100 milyan ginni ku iibsan karto saxiixiisa xagaaga soo aadan. City, si kastaba ha ahaatee, waa ku nasteen xidigaan Rodri, ciyaaryahanka khadka dhexe ayaana sameeyay intii karaankiisa ah xili cayaareedkii hore una xaqiijiyey iney qaadan koobkii afaraad oo xariir ah.

"Ma hayo wax badan oo aan sheego," Rodri ayaa ku sheegay shir jaraa'id. “Saddex sano oo kale ayaan City ku haystaa. “Marka aan saxiixo qandaraasyada kama fikiro kooxaha kale, kaliya waxaan ku fikiraa inaan dhammeeyo, marka haa, waxaan heshiis kula jiraa City, mana jirto wax kale oo aan dhihi karo”.

Rodri ayaa qandaraas kula jira ilaa 2027, City ayaana dareemaysa wax cadaadis ah oo ku saabsan mustaqbalkiisa. Xitaa waxaa jira qorshayaal ay ku doonayaan inay qandaraas cusub u soo bandhigaan xiddiga heerka caalami ee dalka Spain toddobaadyada soo socda, iyadoo aan loo eegin haddii xiisaha Madrid uu hirgalo iyo in kale. Rodri ayaa ka hadlay mustaqbalkiisa kooxda maanta shirkiisa jaraaid ka hor kulan ay la cayaari doonaan kooxda Inter milan ee ka dhisan dalka italia. wuxuuna u cadeeyey taageerayaasha in uu sii ahaan doono cayaarahan city ah ilaa uu ka dhamaado heshiiskiisa kaasi oo ka harsan mudo 3 sano ah.laakin waxa macquul ah city hadii lacag fiican ku helaan in ay iska iibiyaan inkastoo wax qasbaayo jirin waa fursad hadey u arkaan.
Wixi warar ah ee ku saabskan kubada cagta waxaad kala socon kartaa halkaan maalin kasta iyo saacad kasta. https://www.footbool.net/ ama waxaad kaloo kala socon kartaan facebook bagekeen oo aan maalinkasta soo dhigno wixii warar ah ee ku saabsan kubbadda cagta. https://www.facebook.com/

By Admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *