Erling Haaland ayaa ku dhow in jabiyo rikoorkii Cristiano Ronaldo ee ciyaaraha ee aheyd in uu gaaro 100-ka gool ee hal koox uu u dhaliyay ee ugu dhaqsidga badan. Labadii gool ee Haaland ka dhaliyey Brentford Sabtidii ayuu ku gaarey 99 gool isagoo cayaarey 103 kulan oo kaliya u saftay Manchester City – oo ah xawaare rikoor ah. laakin rikoorka uu hiigsanaaayo in uu jebiyo waa kii Ronaldo, Ronaldo ayaa rikoorkan hore dhigay intii uu joogay Real Madrid, isagoona 100-kii gool ee ugu horeeyay u dhaliyay kooxda 105 kulan uu saftay.

Waxay ka dhigan tahay in Haaland ay hal ciyaar oo dheeri ah haysato si ay u jebiyo rikoorkiisa. City ayaa arbacada horyaalka Champions League ayaa la cayaari doonta kooxda Inter oo ay garoonkeeda kula ciyaareyso iyadoo xidiga heerka caalami ee norway uu sameyn karo taariikhaad hadii uu shabaqa la helo goolal waxa ay noqon doontaa kulankiisii 104-aad uu kooxda u ciyaaro. Hadii Haaland ay ku guul darreysato in uu gool dhaliyo waxa uu wali barbareyn karaa rikoorka Ronaldo hadii uu gool ku dhaliyo kulankiisii 105-aad oo ay u badantahay in uu kooxda City u safto iyagoo kooxda Arsenal garoonkeeda kula ciyaari doono Axadda 22-ka September. Weeraryahan burburin kara rikoorki Ronaldo ee ciyaaraha ugu yaraa oo 100 gool dhaliyay wuxuuna dhigi doonaa rikood cusub kulanka inter hadii uu gool helo wuxuu rabo ha ahaado regoore xitaa wayna u badan tahey in uu heli doono.

Rekoordka sidaan ayaa loo kala haystaa Kulamada ugu yar ayaa ee loo baahday in lagu gaaro100 gool hal koox

PlayerGamesClub
Cristiano Ronaldo105Real Madrid
Zlatan Ibrahimovic124PSG
Robert Lewandowski136Bayern Munich
Sergio Aguero158Man City
Thierry Henry181Arsenal

Wixi warar ah ee ku saabskan kubada cagta waxaad kala socon kartaa halkaan maalin kasta iyo saacad kasta. https://www.footbool.net/ ama waxaad kaloo kala socon kartaan facebook bagekeen oo aan maalinkasta soo dhigno wixii warar ah ee ku saabsan kubbadda cagta. https://www.facebook.com/

By Admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *