Mikel Arteta oo ka hadley dhaawaca soo gaaray Bukayo Saka kadib markii lagu qasbay in uu garoomada ka baxo xili ciyaaryahanka arsenal ay 1-0 kaga adkaadeen kooxda Tottenham Hotspur ciyaar ka tirsan magaaladda Derby ee waqooyiga London Derby. Gunners ayaa guul saddexaad oo xiriir ah gaartey ka dib markii ay garaaceen kooxda ay xafiiltamaan ee Spurs Axaddii iyadoo ugu mahadcelisay gool madax ah oo cajiib ah oo ay ka heshay Gabriel. Waxaana ka maqnaa xidigaha qadka dhexe ee kala ah Declan Rice iyo Martin Odegaard balse wali waxaa u suuro gashay inay sadexdii dhibcood ka soo qaateen safarkooda.

Dhibaatada dhaawaca ee Arsenal, kooxda ayaa laga yaabaa in ay soo wajahday dhabar kale xiligii ay guul soo gaartey, hase ahaatee saka ayaa lagu qasbay inuu garoonka ka baxo, iyadoo booskiisana uu booskiisa uu soo galinayay 17-jirka Ethan Nwaneri. “Waxaan sameeyay laba bedel oo weerarka ah xili horeba si lama filaan ahna wuu u dhaadhacay,” Ayuu Arteta u sheegay suxufiyiinta ciyaarta kadib markii loo codsaday in uu shaaca ka qaado natiijada dhaawaca Saka. “Marka waxaan arkeyey in uu dhaawacan yahey Anigu garan maayo waxa dhabta ah ee ay tahay dhaawaciisa, laakiin wuu sii wadi kari waayay.”

Macalinka Kooxda Gunners ayaa sidoo kale waqtiga ku qaadatey inuu wax ka qabto soo kabsashada Odegaard kadib markii Kabtanka uu dhaawac foolxumo kasoo gaaray.”Xagga Martin,” ayuu raaciyay. “Weli waa inaan sugnaa oo aan aragnaa warka. Waxaa xaqiiq ah inuusan diyaar u ahayn inuu ciyaaro maanta.”

Markii la waydiiyay waxa ay guusha ula macno tahey dhinaca kooxdiisa waqooyiga London, ayaa macalinka yidhi: “Hagaag, aad baan ugu faraxsanahay, sida iska cad. Waan ognahay waxay ka dhigantahay kooxdeena iyo taageerayaashena si ay ugu guuleystaan kulan London derby ah,

“Marka waxan rajeynayaa in aan gaarnay arrintaas taasina waxay ka dhigeysaa mid gaar ah. Marka la eegana qaab ciyaareedka waxaan ku haysanay ciyaarta awood. Dhibaato ayaa naga soo gaartay sababtoo ah dhaawac cusub ee bukayo waa xanuun waxaan horey nooga maqnaa xidigo muhiim ah hadan markaan waa nagu sii adkaan doontaa kulada soo socdo lkin waxaan rajeynaa in aan war fiican ka maqalno maalaha soo socda.”

Wixi warar ah ee ku saabskan kubada cagta waxaad kala socon kartaa halkaan maalin kasta iyo saacad kasta. https://www.footbool.net/ ama waxaad kaloo kala socon kartaan facebook bagekeen oo aan maalinkasta soo dhigno wixii warar ah ee ku saabsan kubbadda cagta. https://www.facebook.com/

By Admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *