Manchester United ayaa iska iibin doonta Casemiro bisha Janaayo ama xagaaga soo aadan, iyadoo Saudi Pro League uu noqon doono meesha xigta. (Football Insider )

Real Madrid baacsiga ku aadan daafaca dambeedka midig ee Bayern Munich Alphonso Davies ayaa ‘gaaraya heerkii ugu dambeeyay’, iyadoo 23-sano jirkaan la filayo inuu si bilaash ah ugu dhaqaaqo Spain xagaaga soo aadan. (Fichajes - Spain)

Tottenham Hotspur ayaa ka walaacsan in Arsenal ama Manchester City ay u soo jeesteen Eberechi Eze oo diirada u saarnaa mudada dheer. (Football Transfers)

Chelsea ayaa qorsheyneysa inay u dhaqaaqdo daafaca dhexe ee Crystal Palace Marc Guehi xagaaga soo aadan. (TBR Football)

Xiddiga diirada u saaran kooxaha Manchester United iyo Arsenal Xavi Simons ayaa doonaya inuu u dhaqaaqo Premier League ka dib markii uu soo gabagabeeyay amaah uu ku joogay RB Leipzig. (Fichajes - Spain)

Labada kooxood ee Premier League ka dhisan ayaa sidoo kale ku dagaalamaya saxiixa Jonathan David oo ka socda Lille, iyadoo Arsenal ay haatan ka horeyso United. (TuttoJuve – Italy)

Ciyaaryahankii hore ee Juventus Adrien Rabiot ayaan xiiseyneynin inuu ku biiro Newcastle United sababtoo ah ma siin karaan kubada cagta Yurub. (Football Insider )

Inter iyo Juventus ayaa ka mid ah kooxaha ugu cadcad saxiixa Virgil van Dijk oo ka tirsan Liverpool xagaaga soo aadan, waa haddii ciyaaryahanka reer Holland uu ku guuldareysto inuu saxiixo qandaraas cusub. (Fichajes - Spain)

Arsenal ayaa doonaysa in ay heshiis cusub ka saxiixdo Gabriel Magalhaes si ay meesha uga saarto xiisaha kooxaha Barcelona iyo Bayern Munich. (HITC)

Daafaca Barcelona Andreas Christensen ayaa diyaar u ah inuu 'khiyaano' Hansi Flick isagoo riixaya inuu ku biiro Arsenal bisha Janaayo. (El Nacional – Spain)

Agaasimaha PSG Luis Campos ayaa qirtay inuu 'jecel yahay' da'yarka Barcelona ee Lamine Yamal, kaasoo uu u arko inuu yahay 'ciyaaryahan heer sare ah'. (Mundo Deportivo – Spain)

Agaasimaha ciyaaraha ee Barcelona Deco ayaa shaaca ka qaaday in Marc Guiu uu iska diiday ‘dalab muhiim ah’ si uu ugu biiro Chelsea. (GOOL)




Wixi warar ah ee ku saabskan kubada cagta waxaad kala socon kartaa halkaan maalin kasta iyo saacad kasta. https://www.footbool.net/ ama waxaad kaloo kala socon kartaan facebook bagekeen oo aan maalinkasta soo dhigno wixii warar ah ee ku saabsan kubbadda cagta. https://www.facebook.com/

By Admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *