Tababaraha Manchester United Erik ten Hag ayaa ka warbixiyay dhaawacyada Matthijs de Ligt, Lisandro Martinez iyo Noussair Mazraoui ka dib guushii 3-0 ee Sabtidii ay ka gaareen Southampton.
Shayaadiinta cas cas ayaa soo wajahday duufaan hor leh oo dhaawac kulankii maanta ay la dheeleen Saints oo ay u xaqiijiyaan guul muhiim ah kooxda.
De Ligt ayaa dhaliyey gool ciyaarta ka hor inta aan la aadin qeybta nasashada,halka ay sidoo kale goolasha kale dhaliyeen Marcus Rashford iyo Alejandro Garnacho.

Si kastaba ha ahaatee, daafaca ayaa ka mid ahaa seddex ciyaaryahan oo uu garoonka ka saaray Ten Hag iyadoo ay muuqato in uu dhib jiro, taasoo cabsi gelisay taageerayaasha kooxdu inay qarka u saaran tahay dhibaato kale oo dhaawac ah.
Markii wax laga waydiiyay De Ligt iyo in arintiisu ay ahayd mid shaki leh, Ten Hag wuxuu ku jawaabay: "Waxay u egtahay mid xooga wal wal leh.

“Waqtigan xaadirka ah taam maaha, kuma jiro 100% xawaare, wuxuu u baahan yahay ciyaaraha si uu kor ugu qaado. "Hadda waxaan aragnaa muuqaalo, marka uu halkaas joogona wax badan ayuu sameyn doonaa, waan ku faraxsanahay isaga gaar ahaan maanta ciyaartiisa."


Ten Hag ayaa qirtay in kooxdu aysan si buuxda uga warqabin xaaalka Martinez iyo Mazraoui arrimahooda dhaawaca.
"Waxaan ku maqneen ciyaaraha caalamiga, cayaartooy badan ayaa daalan oo kulamo badan soo cayaarey iyo safaroka, qaar waxay ka yimaadaan duulimaadyada dhaadheer qaaradaha kale ah.

"Waxaan rajeyneynaa in aysan ahayn wax halis ah, waana inaan qiimeynaa maanta iyo berri." United ayaa ku soo laabanaysa garoomada talaadada iyada oo gurigeeda ku marti galin doonta Barnsley kulan ka tirsan Carabao Cup. Waxaa jirtay rajo ah in Rasmus Hojlund, Luke Shaw iyo Mason Mount ay ka soo laaban karaan dhaawacyadooda kulankaas, laakiin Ten Hag ayaa soo jeediyay inuusan halis gelin doonin seddexda ciyaaryahan.

"Dabcan waa xilli muhiim ah oo ay jiraan kulamo badan oo la ciyaarayo - waxaan u maleynayaa todobo kulan 22 maalmood gudahood," ayuu raaciyay.

Wixi warar ah ee ku saabskan kubada cagta waxaad kala socon kartaa halkaan maalin kasta iyo saacad kasta. https://www.footbool.net/ ama waxaad kaloo kala socon kartaan facebook bagekeen oo aan maalinkasta soo dhigno wixii warar ah ee ku saabsan kubbadda cagta. https://www.facebook.com/

By Admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *