Kadib markii ay daawadeen kooxda Liverpool oo orod ku garaacaysa wareega Casemiro ee khadka dhexe kahor fasaxa caalamiga ah, taageerayaasha Manchester United ayaa ku duceysanayay in Manuel Ugarte uu diyaar u noqon doono xulka safarkiisa soo socda ee St. Mary – waxaana laga jawaabay ducadooda. Isagoo ka hadlayay shirkiisa jaraaʼid ee Khamiistii, macalin Erik ten Hag ayaa xaqiijiyay in saxiixa cusub uu rajeynaayo inuu ciyaaro kulanka ugu horeeya ee ay la ciyaari doonaan Southampton dhammaadka todobaadkan. Hadaba maxay taageerayaasha United ka filayaan laacibka qadka dhexe?

Ugarta ayaa loo baahan yahay in uu noqdo matoorka ee khadka dhexe ee Red Devils. Haddii aad weligaa daawatey isaga oo u ciyaaraya Uruguay, Sporting CP ama Paris Saint-Germain sannadihii la soo dhaafay, waxaa suurogal ah in aad aragtay qaabka uu u cayaaro Ugarte. Iyadoo taageerayaasha United ay arki doonaan inta lagu guda jiro ciyaarta ay la ciyaari doonaan Southampton Sabtida, awoodda ugu weyn ee Ugarte waa dhanka difaaca iyo awooddiisa uu ku kala jari karo khatarta ka jirta ee khadka dhexe.

Markii uu ku jiray safka PSG ee 2023/24, Ugarte wuxuu celcelis ahaan wuxuu ku guuleystay 4.11 taakal oo uu sameeyey 90kii daqiiqo. Ma jiro laacibka qadka dhexe ee United oo sidaas sameeyay hal xilli ciyaareed hal xilli ciyaareed mid ka mid ah 18-dii sano ee ugu dambe. kooxdaan United ayaa waxey la eed laacib khadka dhexe ah oo akhriya kubada oo daboola kubada dhexda la iskala soo ordo oo naadiga dhexdiisa iska furan ayey ahaayeen sanadii ugu dambeeyey tani waxayna muujineysaa sida ay Ugarte uga fiicantahay inuu aqriyo ciyaarta isla markaana uu kubadda dib ugu soo celiyo kooxdiisa. dhanka raacasha aad ayuu ugu fiican yahey.

Wixi warar ah ee ku saabskan kubada cagta waxaad kala socon kartaa halkaan maalin kasta iyo saacad kasta. https://www.footbool.net/ ama waxaad kaloo kala socon kartaan facebook bagekeen oo aan maalinkasta soo dhigno wixii warar ah ee ku saabsan kubbadda cagta. https://www.facebook.com/

By Admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *