Kooxda Arsenal ayaa isku diyaarineysa inay real Madrid uga bedelato daafaca dhexe Ee William Saliba xidigooda qadka dhexe ee Aurelien Tchouameni kaasi oo uu Arteta la dhacsan yahey qaab cayaareedkiisa (Fichajes – EE.UU.)

Laacibka kooxda Bayern Munich Leroy Sane ayaa bartilmaameed kale u ah kooxda Arsenal oo isku diyaarineysa inay saxiixiisa tar tan kula galaan kooxda Newcastle United. (GIVEMESPORT)

Kooxda Manchester United ayaa la filayaa inay soo bandhigto dalab wayn si ay u saxiixdo goolhayaha naadiga Athletic ee Unai Simon oo badal u ah Andre Onana. (Fichajes – EE.UU.)

Kadib markii uu ka tagay liverpool, daafaca dhexe Joel Matip ayaa soo jiitay xiisaha uu ka helayo west Ham United. (Ruhr24 – EE.UU.)

Weeraryahanka Sports lispon Viktor Gyokeres ayaa ku sii jiri doona liiska labada kooxood ee arsenal iyo Chelsea si ay isugu dayaan in ay soo qaataan suuqa kala iibsiga xagaaga 2025. (Football Insider)

Kooxda Liverpool ayaa sare u qaadday xiisaha ay u qabto xidiga qadka dhexe ee kooxda Bayern Munich Jamaal Musiala, kaasoo sidoo kale isha ku hayaan naadiyada Manchester City, Real Madrid iyo Paris Saint-Germain kadib markii uu kusoo galay labadii sano ee ugu dambeysay ee heshiiskiisa. (CISO)

Kooxda Tottenham Hotspur ayaa sahaminaysa inay u dhaqaaqdo saxiixa laacibka qadka dhexe ee Lille Angel Gomes oo si xor ah ugu soo wareegi doona xili uu qandaraaskiisa dhacayo xagaaga soo socda. (TalkSPORT)

Chelsea, Liverpool iyo Man City ayaa diyaar u wada ah inay kooxda Real Madrid kala soo qaataan laacibka qadka dhexe ee kooxda Sunderland Chris Rigg, 17-naad. (GIVEMESPORT)

Barcelona ayaa qorshaynaysa inay u dabaal degto in Gavi uu waqti dheer la sugayay inuu kusoo laabto tababarka iyadoo usoo bandhigtay laacibka khadka dhexe qandaraas cusub madaama ay u cadeyso balanqaadkeeda 20-jirkaan. (Fabrizio Romano)

Wixi warar ah ee ku saabskan kubada cagta waxaad kala socon kartaa halkaan maalin kasta iyo saacad kasta. https://www.footbool.net/ ama waxaad kaloo kala socon kartaan facebook bagekeen oo aan maalinkasta soo dhigno wixii warar ah ee ku saabsan kubbadda cagta. https://www.facebook.com/

By Admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *