Manchester United ayaa loo sheegay inay u baahan tahay inay siiso Adrien Rabiot mushahar todobaadle ah oo dhan 220,000 oo bound si ay ula soo wareegto wakiil xor ah. Arsenal ayaa sidoo kale lala xiriirinayay laakiin sidoo kale waa diidey dalabaadkaas. (GIVEMESPORT)

Man Utd ayaa isku diyaarineysa iney seddex xidig iska fasaxdo sanadka 2025, iyadoo Christian Eriksen, Victor Lindelof iyo Jonny Evans ay baxayaan. (Fichajes - Spain)

Liverpool, Newcastle United, Tottenham Hotspur iyo Borussia Dortmund ayaa dhamaantood loolan ugu jira xiddiga khadka dhexe ee cusub ee England Angel Gomes. (The Sun)

Chelsea ayaa laga diyaarineysa inay bixiso wax ka badan 85 milyan ginni si ay u helaan weeraryahanka Inter Lautaro Martinez ka dib markii ay waayeen Victor Osimhen xagaagan. (Fichajes - Spain)

Blues ayaa u furan in ay iska iibiso Mykhailo Mudryk marka uu furmo suuqa kala iibsiga ee janaayo hadii uu qaab ciyaareedkiisa soo fiicnaan waayo. Kooxda chelsea ayaa isku dayi doonta in ay 89 milyan ginni kula soo wareegto xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Shakhtar Donetsk sanadka 2023. (GIVEMESPORT)

Chelsea ayaa sidoo kale ka horaysa kooxaha Man Utd iyo Tottenham baacsiga loogu jiro daafaca midig ee Monaco Vanderson. (Caughtoffside)

Kevin De Bruyne, Erling Haaland iyo Rodri ayaa dhamaantood ka tagi kara Manchester City hadii Pep Guardiola uu ka tago shaqada dhamaadka xilli ciyaareedkan. (El Nacional – Spain)

Real Madrid ayaa ka walwalsan inay bixiso lacag ka badan 85 milyan ginni si ay Arsenal ugala soo wareegto William Saliba, halka Bayern Munich iyo PSG ay sidoo kale xiiseynayaan daafaca dhexe. (Defensa Central - Spain)

Real Madrid ayaa sidoo kale ka mid ah kooxaha ka faa’iidaysan kara mustaqbalka aan la hubin ee Ronald Araujo. (El Nacional – Spain)

Joshua Kimmich ayaa weli ku jira liiska musharaxiinta Barcelona inkastoo dhawaan ay soo baxeen warar sheegaya inuu kordhin karo qandaraaskiisa Bayern Munich wax ka badan 2025. Hansi Flick, oo horay Kimmich uga soo maamulay Allianz Arena, ayaa taageere weyn u ah wax badan oo uu ku biiri karo. (Mundo Deportivo – Spain)

Bayer Leverkusen ayaa samayn doonta isku daygii ugu dambeeyay ee ay Jonathan Tah ku xidhayso qandaraas cusub. Qandaraaskiisa ayaa dhacaya 2025, waxaana doonaya Bayern Munich, Barcelona iyo Real Madrid. (Sport BILD - Germany)

Liverpool ayaa sidoo kale isha ku haysa Tah iyaga oo raadinaya daafac dhexe oo cusub. (GIVEMESPORT)

Barcelona ayaa la rumeysan yahay inay ka mid tahay 40-ka kooxood ee iska diiwaan geliyay xiisaha weeraryahanka Aston Villa Jhon Duran. (El Nacional – Spain)

Emerson Palmieri ayaa qarka u saaran inuu sii joogo West Ham United inkastoo uu xiiso ka helayo horyaalka Turkiga ee Super Lig. (Fabrizio Romano)
Wixi warar ah ee ku saabskan kubada cagta waxaad kala socon kartaa halkaan maalin kasta iyo saacad kasta. https://www.footbool.net/ ama waxaad kaloo kala socon kartaan facebook bagekeen oo aan maalinkasta soo dhigno wixii warar ah ee ku saabsan kubbadda cagta. https://www.facebook.com/

By Admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *