Ciyaaryahanka cusub ee Arsenal Mikel Merino ayaa la filayaa inuu garoomada ka maqnaado labada bilood ee soo socota, sababtoo ah jabniin garabka ah oo ka soo gaaray tababarkiisii ​​ugu horeeyay.
Gunners ayaa heshiis ku kacaya 31.6 milyan ginni kula soo wareegtay 28 jirka Merino laakiin waxa gilgilay habeenki uu kulankiisii ​​ugu horeeyay uu cayaari lahaa ayaa la ogaaday in uu si xun u dhacay tababarka ka dibna dhaawac ka soo gaadhay garabka.

Haddaba, Daily Mail ayaa sheegtay maanta in Merino ayaa qarka u saaran inuu garoomada ka maqnaado labada bilood ee soo aaddan, lamana filayo inuu garoomada ku soo laabto ilaa ka dib fasaxa caalamiga ah ee Oktoobar.
Merino qudhiisa ayaa horey u qirtay inuusan ogeyn inta uu garoomada ka maqnaan doono ka dib markii ay isku dhaceen tababarka Gabriel Magalhaes, taasoo tababare Mikel Arteta uu shaaca ka qaaday inay ku reebtay "xanuun aad u badan".

“Wuxuu ahaa shilka, wuuna sii watay ciyaarta – iyo tababarka,” ayuu Arteta yiri
Waa walaac waqti dheer ah oo ay leedahay Arsenal laakiin waxaa jira arimo badan oo deg deg ah oo ay tahay in wax laga qabto iyada oo Declan Rice uu haatan qaadan doono ganaax hal kulan ah sababtuna tahay casaankii muranka dhaliyay ee uu ka qaatay kulankii ay bar-baraha la galeen Brighton & Hove Albion.

Ka dib amaahdii Fabio Vieira ee Porto, Arsenal ayaa hadda haysata seddex ciyaaryahan oo khadka dhexe ah: Thomas Partey, Jorginho iyo Martin Odegaard. Kai Havertz oo bilihii u dambeeyay qaab ciyaareed fiican soo bandhigayay ayaa waayihiisa Arsenal ka bilaabay khadka dhexe isaga oo dib ugu laaban kara si uu u caawiyo hadii loo baahdo.


Wixi warar ah ee ku saabskan kubada cagta waxaad kala socon kartaa halkaan maalin kasta iyo saacad kasta. https://www.footbool.net/ ama waxaad kaloo kala socon kartaan facebook bagekeen oo aan maalinkasta soo dhigno wixii warar ah ee ku saabsan kubbadda cagta. https://www.facebook.com/





                                                     
                     

By Admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *