Liverpool ayaa diyaar u ah inay isku daydo inay lasoo saxiixato daafaca dhexe ee Crystal Palace Marc Guehi xagaaga soo aadan marka uu galo 12-ka bilood ee ugu dambeeya qandaraaskiisa. (The Mirror)

Si kastaba ha ahaatee, Newcastle United ayaa la filayaa inay dib u soo ceshato damaceeda ku aadan saxiixa Guehi horaantii suuqa kala iibsiga ee Janaayo, iyagoo ku guuldareystay dhowr dalab oo ay ku dooneysay xiddiga heerka caalami ee dalka England xagaagan. (Newcastle World)

Dalabka Scott McTominay ee mushaar kordhinta ayaa qeyb ka qaatay go’aankii Manchester United ay kaga iibisay ciyaaryahanka khadka dhexe ee Napoli. (Miguel Delaney)

Goolhayaha Real Madrid
Andriy Lunin ayaan la dhicin dalabyada loo soo diray xagaagan, wuxuuna qorsheynayaa inuu beeca xorta ah kaga tago marka uu qandaraaskiisu dhaco dhamaadka xilli ciyaareedkan. Wuxuu rabaa in uu helo dammaanad qaad ah boos joogto ah. (AS - Spain)

Barcelona ayaa heshiis saddex sano ah la gashay Federico Chiesa laakiin soo jeedintoodii ahayd in ay kala qaybiyaan 10 milyan oo euro oo ay ku kala iibsadeen shan sano ay ku bixiyaan ayaan ka farxin Juventus oo ugu dambayn door biday dalabkii Liverpool ee xiddiga garabka ka ciyaara. (SPORT – Spain)

Raheem Sterling ayaa ogolaaday in mushaar dhimis lagu sameeyo si uu amaahda uga soo wareego Chelsea uguna biiro kooxda Arsenal, iyadoo labada kooxood ay mid walba si isku mid ah u bixiso mushaar dhimis lagu sameeyay xiddiga garabka ka ciyaara. (Ben Jacobs)

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Chelsea Carney Chukwuemeka ayaa wadahadalo amaah ah la yeeshay kooxda Bundesliga ka dhisan ee Frankfurt ka hor inta aysan waqtiga dhicin. Ciyaaryahanka khadka dhexe ayaa weli xiri kara amaah dibadda ah xagaagan. (Raxmaan Cismaan)

Si la mid ah inta badan bartilmaameedyada qaaliga ah, Real Madrid ayaa uga digtay ciyaaryahanka khadka dhexe ee Bayer Leverkusen Florian Wirtz inuu kaliya awoodi doono inuu u dhaqaaqo Santiago Bernabeu xagaaga soo aadan hadii uu naadigiisa ku wargeliyo inay ka go’an tahay ku biirista Madrid islamarkaana uu diido dalabyo uga imaanayay meelo kale. (Fichajes - Spain)

Manchester City ayaa isku diyaarinaysa in ay heshiis cusub ka saxiixato xiddiga khadka dhexe ee James McAtee kadib markii ay dhawr dalab ku diiday 21 jirkan. (Sam Lee)

Aston Villa ayaa isku dayday in ay Real Betis ka afduubato saxiixa Giovani Lo Celso dhamaadkii suuqa kala iibsiga ciyaartoyda laakiin waxaa ugu danbayn diiday xiddiga khadka dhexe. (Fabrizio Romano)

Wixi warar ah ee ku saabskan kubada cagta waxaad kala socon kartaa halkaan maalin kasta iyo saacad kasta. https://www.footbool.net/ ama waxaad kaloo kala socon kartaan facebook bagekeen oo aan maalinkasta soo dhigno wixii warar ah ee ku saabsan kubbadda cagta. https://www.facebook.com/

By Admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *