xidiga garabka kooxda Manchester United ee Jadon Sancho ayaa ku dhow inuu amaah ugu biiro kooxda Chelsea xili ciyaareedkan iyadoo ay waajib ku tahay iney iibsadaan xili cayaareedka dambe sida ay sheegayaan wararka kala duwan ee soo baxaya. Xidiga kooxda Old Trafford oo qeybtii labaad ee xilli ciyaareedkii hore amaah ku qaatay kooxda Borussia Dortmund ayaa ku dhow inuu u dhaqaaqo Stamford Bridge heshiis dabayaaqada maalinta kama dambeysta ah. 24-jirkaan ayaa buuq galey sanadkii hore markii macalinka kooxda United iyo asaga muran soo dhex galey sababey in uu waayo booskiisa. Waxaa lagu wadaa in uu inta ka dhiman horyaalka 2024/25 ku qaato amaah garoonka Stamford Bridge, isagoo waajib ku ah in Chelsea ay dhaqaaqiisa ka dhigto mid joogto ah xagaaga soo socda inta u dhaxeysa £20m iyo £25m.

Sancho ayaa noqon doona laacibkii ugu dambeeyay ee lagu soo daray liiska ciyaartoyda sii kordhaya ee Chelsea, iyadoo ay lamid yihiin Pedro Neto, Joao Felix iyo Kiernan Dewsbury-Hall ay dhamaantood u dhaqaaqeen galbeedka London xagaagan. Xilli ciyaareedkiisii ugu horeeyay ee uu hogaaminayay tababraha cusub ee Enzo Maresca ayaa la filayaa inuu ku hogaamiyo heshiis muddo dheer qaato garoonka Stamford Bridge, taas oo soo afjari doona in uu muddadii saddexda sano ahayd ee uu ku sugnaa manchester ku soo wareegay.

Chelsea ayaa lagu wadaa inay Axadda foodda saarto kooxda Crystal Palace oo aanu Sancho cayaarin waxayna u safri doontaa kooxda Bournemouth kaddib markii ay fasaxa la galeen caalamigii halkaas oo ka dib laga yaabo in uu ciyaartiisa ugu horeyso u safto kooxdiisa cusub ee Chelsea waa hadii uu dhamaato heshiskiisa sida ugu dhaqsida badan in aanu xirmin suuqa kala iibsiga

Wixi warar ah ee ku saabskan kubada cagta waxaad kala socon kartaa halkaan maalin kasta iyo saacad kasta. https://www.footbool.net/ ama waxaad kaloo kala socon kartaan facebook bagekeen oo aan maalinkasta soo dhigno wixii warar ah ee ku saabsan kubbadda cagta. https://www.facebook.com/

By Admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *