Manchester United ayaa qarka u saaran inay ku dhawaaqdo saxiixa ciyaaryahanka khadka dhexe ee PSG Manuel Ugarte Arbacada marka uu saxiixo qandaraaskiisa. (ESPN)

Crystal Palace xidigeeda ee Marc Guehi iyo kan Bayer Leverkusen Piero Hincapie ayaa ka mid ah bartilmaameedyada ugu sarreeya ee Liverpool oo ku sii jeeda maalmaha ugu dambeeya ee suuqa. Si kastaba ha ahaatee, Newcastle United ayaa ku dhow inay Crystal Palace heshiis 70 milyan ginni ah ka gaarto Guehi. (Daily Mail)

Weeraryahanka Napoli Victor Osimhen ayaa jeclaan lahaa inuu aado Chelsea halkii uu ku biiri lahaa Saudi Pro League iyadoo la isla dhexmarayo mustaqbalkiisa.(i News)

Arsenal iyo Manchester City Kooxaha ku xifaaltama horyaalka Premier League ee Arsenal iyo Manchester City ayaa labadaba laga yaabaa inay ciyaaraan xilli dambe si ay ula soo wareegaan weeraryahanka Brighton & Hove Albion Evan Ferguson. (Football transfer)

Arsenal dhanka kale weeraryahanka Arsenal Eddie Nketiah ayaa ku dhow inuu 30 milyan ginni ugu wareego Crystal Palace ka dib markii uu u dhaqaaqay Bournemouth iyo Nottingham Forest. (David Ornstein)

Man City ayaa ogolaatay inay Joao Cancelo ka iibiso kooxda Saudi Pro League ee Al Hilal aduun dhan 21.2 milyan ginni, lamana filayo in heshiiska shaqsiga ah uu yahay arin. (BBC)

Barcelona ayaa aaminsan in ay awood u yeelan doonto saxiixa xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Athletic Club Nico Williams hadii ay heshiis qaali ah la galaan shirkada Nike ka hor inta uuna xidhmin suuqa kala iibsiga. (El Nacional – Spain)

Real Madrid ayaa laga yaabaa inay isku daydo inay dib ula soo saxiixato goolhayaha Chelsea Kepa Arrizabalaga, kaasoo ay dooneyso Bournemouth, sanadka 2025 marka uu qandaraaskiisa haatan dhaco. (Defensa Central - Spain)

Tottenham Hotspur ayaa rajeyneysa inay soo qaadato ciyaaryahan cusub oo khadka dhexe ah isbuucaan, inkastoo ay ka walaacsan yihiin sida ay u adag tahay inay la soo wareegaan mid ka mid ah bartilmaameedyada muhiimka ah ee suuqa. (Fooball Insider)

Barcelona ayaa ku guuldareysatay saxiixa xiddiga reer Brazil Estevao Willian oo ku biiray Chelsea, waxaana ay go’aansan doonaan inaysan Blues ku dhicin weeraryahan Kaua Elias oo 18 jir ah. (AS - Spain)

Dani Ceballos ayaa laga yaabaa inuu ka tago Real Madrid ka hor dhamaadka suuqa kala iibsiga, iyadoo AS Monaco iyo kooxdii hore ee Real Betis ay xiiseynayaan heshiiska. (MARCA – Spain)

Nottingham Forest ayaa diyaar u ah inay tijaabiso go’aanka West Ham United iyadoo dalab u dirtay xiddiga reer England ee James Ward-Prowse. (Fooball Insider )




Wixi warar ah ee ku saabskan kubada cagta waxaad kala socon kartaa halkaan maalin kasta iyo saacad kasta. https://www.footbool.net/ ama waxaad kaloo kala socon kartaan facebook bagekeen oo aan maalinkasta soo dhigno wixii warar ah ee ku saabsan kubbadda cagta. https://www.facebook.com/

By Admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *