Manchester United ayaa aqbashay dalab €30m oo u dhiganta (£25.4m) oo ay Napoli ka soo gudbisay xiddiga khadka dhexe ee Scott McTominay, sida ay sheegayaan warar ka imaanaya dalka Taliyaniga.
Red Devils ayaa rabey inay iibiso McTominay sannadihii u dambeeyay, inkastoo kaliya ay rabeen lacagtii ay ku qiimeeyeen, oo markii ay ku waayeen ayaa diideen isku daygii ay West Ham sameysay xagaagii hore.                                        Sida laga soo xigtay dhowr warbixin oo  soo baxey maalintii Axadii, waxaa soo tabiyey wariyaha weyn ee dhank sports David Ornstein oo ka tirsan wargeyska The Athletic ayaa sheegay in United ayaa ogolaatay inay ka iibiso Napoli, oo uu hadda maamulo tababarihii hore ee Chelsea iyo Tottenham Hotspur Antonio Conte.

Dalabka Napoli ee €30m, oo uu sidoo kale ku jiro qiimaha lagu burburin karo, United ayaa aqbashay, waxayna hadda sii wadi doonaan inay heshiiska shaqsiga ah kala hadlaan McTominay. Qandaraaska ciyaaryahanka khadka dhexe ee haatan ee Old Trafford wuxuu dhacayaa 2025, inkastoo United ay sii haysato hal sano oo qandaraas kordhin ah. United ayaa rajeyneysa in Manuel Ugarte ay ka keensato Paris Saint-Germain si uu u noqdo bedelka McTominay, waxaana maalmihii u dambeeyay ay soo baxayeen warar sheegaya inay ku sii dhowaanayaan heshiis ay kula soo wareegayaan xiddiga reer Uruguay.
Dhanka kale Napoli ayaa sidoo kale wadahadalo kula jirta Brighton & Hove Albion oo ku aadan saaxiibkii McTominay ee Scotland, Billy Gilmour. McTominay iyo Gilmour labaduba waxay wada ciyaareen sabtidii ciyaartii Premier League ee u dhaxaysay Brighton iyo United, kaasoo ku dhamaaday 2-1 ay ku badisay Seagulls.
Haddii McTominay ayaa United joogey 22 sano. Waxa uu ka soo baxey akadeemiyadooda waxaana uu u saftay 255 kulan oo heer sarre ah, isagoo dhaliyay 29 gool – 10 ka mid ah wuxuu dhaliyey xilli ciyaareedkii hore.

Wixi warar ah ee ku saabskan kubada cagta waxaad kala socon kartaa halkaan maalin kasta iyo saacad kasta. https://www.footbool.net/ ama waxaad kaloo kala socon kartaan facebook bagekeen oo aan maalinkasta soo dhigno wixii warar ah ee ku saabsan kubbadda cagta. https://www.facebook.com/

By Admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *