Macalinka Manchester United Erik Erik toban Hag ayaa qiray “arrimaha qarkood” in Jadon Sancho laga saaray cayaartii labaad oo xiriir ah oo ay la ciyaareen Premier League. Sancho oo u muuqday inuu dib ugu soo biiray intii lagu jiray kulamadii xilli ciyaareedkii ka horeeyay ee au ku soo cayaareen dalka mareykanka ka dib isku dhicii ay sanadkii hore ay isku dhaceen macalinkiisa Ten Hag, ayaa mar kale maqnaa markii kooxda United kulankii brighton & Hove Albion oo ku soo dhamaadey guuladariida ugu horeysay horyaalka ay la kulmaan kooxda United.

Laacibkan ayaa durbadiiba laga waayay ciyaartii ka furitaanka Horyaalka Premier League ee ay todobaad ka hor la galeen kooxda Fulham inkastoo uu cayaarey kulankii community Shield oo ka dhacay garoonka Wembley Stadium.”Halkan ayuu joogaa laakiin waxaa jira arimo dhowr ah,” “Ten Hag ayaa u sheegay TNT Sports wax yar ka hor inta aan la bilaabin cayaartii garoonka Amex Stadium, oo aan bixinin wax faahfaahin ah. “Waxaan haystay doorasho aan ku sameeyo kooxda . Waa in uu u tartamaa booskiisa. Waxaan u baahanahay in aan boos kasta u haysano laba laacib maxaa yeelay waxa uu noqon doonaa xili ciyaareed dheer waxaan imaan doono dhaawacyo.”

Ten Hag ayaa u doortey safka cayaarta ku soo bilaawdey isagoo aan isbedel ku sameyn , taas oo macnaheedu yahay Marcus Rashford iyo Kabtanka kooxda Bruno Fernandes iyo garabka Amad Diallo oo Sidoo kale ma uusan ku soo bilaabin Yashuuca Zirkzee, inkastoo uu kursiga keydka kasoo si uu kacey oo uu ku soo galey cayaarta bedel. Kulankan ayaa United si xun loo galey ayadoo waqtigii dhimashada laga dhaliey gool oo aheyd daqiiqadii 95

Wixi warar ah ee ku saabskan kubada cagta waxaad kala socon kartaa halkaan maalin kasta iyo saacad kasta. https://www.footbool.net/ ama waxaad kaloo kala socon kartaan facebook bagekeen oo aan maalinkasta soo dhigno wixii warar ah ee ku saabsan kubbadda cagta. https://www.facebook.com/

By Admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *