Manuel Ugarte ayaa la filayaa inuu noqdo laacibka kooxda Manchester United ka hor dhamaadka suuqa kala iibsiga. Hadii ay Red Devils si toos ah uga soo iibsan kari wayso xidigaan Paris Saint-Germain waxey ku soo qaadan karaan deyn, xidigaan ayaa si weyn loo sheegay in uu ku imaan doono laba qaab mid kood old Trafford xilli ciyaareedkaan cusub ee 2024/25. Wuxuu 23 sano buuxiyay oo keliya horaantii sanadkan.

Laacibka qadka dhexe ee qarka u saaran inuu iskaga tago kooxda ka dhisan caasimada dalka Faransiiska ee PSG waxaan kaliya hal sano oga harsan qandaraaskiisa ee kooxda PSG kaddib markii uu ka soo biiray kooxda Sporting CP ee dalka portuqiiska. laacibkaan oo aan ka heysan boos joogta kooxda reer faransa ayaa hadana ma rabaan in ay fasaxaan oo way ku rabaan lacagtii ay markii hore ku soo iibiyeen taasi oo ay Man united diidey iney bixiyo sidaas daraadeed wuxuu ku qasbayaa in ay iibiyaan hadii ay dhici wayso oo United ay ku adkeysato iney bixiso lacagtaa PSG ku rabto waxaa jira fursad kale oo kooxda PSG ogoshahey kaasi oo ah in ay Man united ku qaadato deen hal sano ah hadii uu anfaco ay bixiyaan lacagta ay ku rabaan hadii uu anfaci waayona ay iska soo celiyaan markii ay deentiisa dhamaato.

Hadii uu ku soo biiro Man Utd lambarka fanaanada uu xiran doono ee hada la heli karo. laacibkaan waxaa loo dhiibi karaa 19 iyo tiro kasta oo ka sareysa 26 ilaa 34, 38, 40, 42, 45, 45 ama number kasta oo 47 kor u dhaafay waa u banaan yahey in uu qaato.

Wixi warar ah ee ku saabskan kubada cagta waxaad kala socon kartaa halkaan maalin kasta iyo saacad kasta. https://www.footbool.net/ ama waxaad kaloo kala socon kartaan facebook bagekeen oo aan maalinkasta soo dhigno wixii warar ah ee ku saabsan kubbadda cagta. https://www.facebook.com/

By Admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *