Manchester City ayaa jeclaan lahayd inay dib ula soo saxiixato Ilkay Gundogan iyadoo ay jirto hubaal la’aan ku saabsan mustaqbalkiisa Barcelona, ​​sida ay wararku sheegayaan.
Gundogan ayaa markii ugu horeysay lala xiriiriyay inuu ka tagayo Barca saxafiyiinta Isbaanishka dhamaadkii Isbuucaan, iyadoo 33-sano jirkaan la sheegay inuu gudbiyay codsi ah in la iibiyo sababo la xiriira xiisaha suuqa kala iibsiga dartiis.

Ciyaaryahanka khadka dhexe ayaa xagaagii hore ugu biiray beeca xorta ah Barcelona markii uu dhacay qandaraaskiisa City, The Athletic ayaana qortay in kooxda heysata horyaalka Premier League ay dooneyso inuu dib u soo celiyo. City kali kuma ahan tartanka si kastaba ha ahaatee, iyadoo kooxaha Ingariiska ay xiiseynayaan Gundogan. Kooxaha Turkiga, Qatar iyo Sacuudiga ayaa sidoo kale eegaya heshiiska.
Markii uu ka soo tagay City sannadkii hore, Arsenal ayaa sahamisay inay u dhaqaaqdo Gundogan, inkastoo ay ku guuldareysteen isku daygoodii. Tababaraha Gunners Mikel Arteta ayaa la soo shaqeeyay Gundogan waqtigii uu kaaliye ka ahaa Etihad Stadium, inkastoo aysan cadeyn in waqooyiga London ay ka mid yihiin kooxaha isha ku haya xaaladiisa markan. Dhibaatada dhaqaale ee Barcelona ayaa ka dhigtay inay awoodi waayaan inay diwaan geliyaan saxiixii xagaaga ee Dani Olmo ee La Liga, inkastoo uu haatan ka gudbayo arrimaha jirdhiska mana uusan awoodin inuu ciyaaro kulankooda furitaanka xilli ciyaareedka ee Valencia iyadoo aan loo eegin. Barca ayaa 2-1 ku badisay Mestalla si ay u bilawdo waayihii Hansi Flick oo leh seddex dhibcood.

Dhanka kale City ayaa bilawday dadaalkeeda loogu jiro in ay ku guulaysato horyaalka Premier Leaque-ga markii shanaad oo xidhiidh ah kadib markii ay 2-0 ku garaacday kooxda Chelsea, waxayna guuldaradii ugu horaysay soo gaadhay tababaraha cusub ee Blues Enzo Maresca.

Maqnaanshaha Gundogan, City waxay ku guuleysatay inay ku guuleysato Premier League xilli ciyaareedkii hore, inkastoo isku daygoodii ahaa inay sii xajistaan ​​​​UEFA Champions League iyo FA Cup ayaa si xun u dhacay. Waxaa garaacdey champions league kooxda Real Madrid oo kaga guuleysatay rigoorayaal wareega 8da, halka Manchester United ay ku badisay Wembley finalka FA Cup 2023.

Wixi warar ah ee ku saabskan kubada cagta waxaad kala socon kartaa halkaan maalin kasta iyo saacad kasta. https://www.footbool.net/ ama waxaad kaloo kala socon kartaan facebook bagekeen oo aan maalinkasta soo dhigno wixii warar ah ee ku saabsan kubbadda cagta. https://www.facebook.com/

By Admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *