Manchester United ayaa isha ku haysa in ay Liverpool ka afduubato goolhayaha Valencia Giorgi Mamardashvili laakiin waa in ay marka hore iibiso xiddig garabka ka ciyaara sida Jadon Sancho si ay u soo ururiso lacagta loo baahan yahay. (The Mirror)
Goolhaye kale ee kooxda Arsenal ee Aaron Ramsdale ayaa si aad ah u doonaya in uu isaga tago kooxda ka hor inta uuna xidhmin suuqa kala iibsiga xagaagan.

Manchester City ayaa isku diyaarinaysa in ay xiddiga khadka dhexe ee Rodri u soo bandhigto heshiis cusub oo uu todobaadkii ku qaadanayo 375 kun oo Gini si uu ugu sii joogo kooxda isla markaana ay isaga difaacdo xiisaha Real Madrid. (The Mirror)

Liverpool
ayaa sugi doonta ilaa suuqa January ka hor inta ayna u dhaqaaqin saxiix kale oo khadka dhexe ah kadib markii uu diiday xiddiga Real Sociedad ee Martin Zubimendi. Arne Slot ma rabo in uu arko heshiis lagu degdegay ciyaaryahan kaas oo laga yaabo in aanu ku haboonayn. Laakiin hal ciyaaryahan oo iman kara Liverpool waa daafaca bidix ee Rennes Adrien Truffert. 22-sano jirkaan ayaa u soo baxay inuu yahay bedelka Andy Robertson. (Football Insider)

Fenerbahce Tababaraha Jose Mourinho ayaa isku diyaarinaya weerar uu ku qaado kooxdiisi hore ee Tottenham Hotspur si uu ula soo saxiixdo xiddiga khadka dhexe ee Giovani Lo Celso. (Sporx - Turkiye)

Scott McTominay ayaa go'aansaday inuu ku biiro Napoli ka dib markii uu wadahadalo la yeeshay tababare Antonio Conte laakiin kooxda Serie A ayaa kaliya raadin doonta inay u dhaqaaqdo khadka dhexe ee Man Utd haddii ay weeraryahankeeda Victor Osimhen ka iibiso Chelsea. (Tutto Napoli – Italy)

Barcelona ayaa isku diyaarinaysa in ay Real Madrid kula tartanto saxiixa daafaca midig ee Liverpool Trent Alexander-Arnold hadii uu ogolaado in uu heshiiskiisa haatan uu dhacayo xagaaga dambe. (Fichajes - Spain)

Jakub Kiwior ayaa laga saaray kooxda Arsenal todobaadkii hore ee furitaanka horyaalka Premier League, waxaana laga yaabaa in loo ogolaado inuu ka tago kooxda. (Fabrizio Romano)
Tottenham ayaa diyaarinaysa dalab ku kacaya 32 milyan oo euro oo u dhiganta (£27.3m) si ay ula soo wareegto daafaca midig ee kooxda Monaco Vanderson. (Bruno Andrade)

Wolves, Marseille, Sevilla iyo Fenerbahce ayaa dhamaantood isha ku haya inay amaah kula soo wareegaan garabka Barcelona Ansu Fati xilli ciyaareedka 2024/25. (SPORT – Spain)

Aston Villa iyo West Ham United ayaa isku diyaarinaya inay ku dagaalamaan saxiixa weeraryahanka Besiktas Ernest Muci, kaasoo lagu qiimeeyo €14m (£11.9m). (Takvim - Turkiye)

Wixi warar ah ee ku saabskan kubada cagta waxaad kala socon kartaa halkaan maalin kasta iyo saacad kasta. https://www.footbool.net/ ama waxaad kaloo kala socon kartaan facebook bagekeen oo aan maalinkasta soo dhigno wixii warar ah ee ku saabsan kubbadda cagta. https://www.facebook.com/

By Admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *