Man City oo uu ka maqan yahay xiddiga khadka dhexe ee Rodri kulankii furitaanka Premier League ee ay la ciyaareen Chelsea. Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Spain ayaan weli tababarka la qaadan kooxda man city.
Pep Guardiola ayaa xaqiijiyay in Manchester City ay weyn doonto ciyaaryahanka khadka dhexe ee Rodri kulanka furitaanka Premier League ee ay la ciyaarayan kooxda Chelsea.
Rodri ayaa soo gaaray wax u eg dhaawac jilibka ah kulankii finalka Euro 2024 ee Spain ay guusha ka gaareen England, waxaana lagu qasbay inuu garoonka ka baxo waqtigii nasashada. Guardiola ayaa shirkiisa jaraa’id ee ka hor kulanka ku xaqiijiyay in Rodri aanu wali ku soo laaban tababarka kooxda isaga oo meesha ka saaray in 28 jirkan in uu cayaaro kulanka Chelsea.

“Ma uusan tababarin,” Guardiola ayaa daaha ka qaaday. "Weli ma aanan arkin isaga, waxaan u maleynayaa inuu dareemayo xanuun, laakiin waxaan arki doonaa marka uu bilaabo inuu dhaqdhaqaaqo jirkiisa sida uu dareemayo."

Markii la weydiiyay inuu qiimeeyo fursadaha Rodri uu ku wajahayo Chelsea, Guardiola ayaa si bareer ah ugu jawaabay: “Maya fursad.” Rodri kaliya ma ahan dhaawaca City, waxaa kaloo la xaqiijiyay in da'yarka garabka ka ciyaara ee Oscar Bobb uu qabo jab xun oo lug ah. “Waxay ahayd tababarkii, nasiib darro saamayn wayn ayuu ku yeeshay wuuna dhaawacmay,” Guardiola ayaa daaha ka qaaday. Wuxuu mari doonaa qaliin, waxaana rajeyneynaa inuu soo fiicnaado waxaana soo dhaweyneynaa sida ugu dhaqsaha badan seddex iyo afar bilood gudahood. “Aad ayaan uga murugeysannahay isaga, sababtoo ah wuxuu sameynayay isu diyaarin xilli-ciyaareed cusub oo cajiib ah waxaana rajeyneynaa inaan mar kale aragno isaga. sida ugu dhakhsaha badan.
"Soo kabashada wanaagsan sida ugu dhakhsaha badan ee suurtogalka ah waana intaas."

Wixi warar ah ee ku saabskan kubada cagta waxaad kala socon kartaa halkaan maalin kasta iyo saacad kasta. https://www.footbool.net/ ama waxaad kaloo kala socon kartaan facebook bagekeen oo aan maalinkasta soo dhigno wixii warar ah ee ku saabsan kubbadda cagta. https://www.facebook.com/

By Admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *