Kulamadii oo meeshoodi ka sii socday ayaa waxaa maalin kasta la cayaaraa kulan ka tirsan koobkan baydhabo cup. kulan kaan oo ahaa mid aad u xamaasad iyo xiiso badan ayaa waxaa kuu u dhaxeeyey labada kooxood ee kala ah FC BCC iyo FC SH. Asharow. kulankaan sidii looga bartey koobkaan ahaa mid xamaasadeysan oo kubada aan waxba la isugula harin koox waliba soo bandhigto ayaa hadan kulanaan waxaa u dheer in labadaan kooxood ay ka tirsan yihiin kuwa ugu adag ee kooxaha heerka koowaad ka soo wada cayaarey sanadkaan bilowgiisa. Cayaartii maanta oo dar dar ku soo bilaabatey ayaa labada koox ba ay ku jireen dalaal ah in ay badiyaan koox waliba waxba lama soo harin awoodeeda. FC BCC ayey guusha raacdey kulankii maanta iyagoo ku badiyey 2-1 waxey aheyd guul ay u qalmeen inkastoo kooxda kalena aan yareysan dadaal hada waa ay aboodi waayen in ay iska keenan goolkii dheeri ahaa ee looga badiyey. waxaan sidaas guusha la hoydey kooxdii BCC.

Dad weyne aad u badan oo u soo daawasho tagey kulankii maanta sida aad ka arki kartaan sawirada aan ka soo qaadney garoonkii Dr Ayub stadium ee maanta, waxaa soo badanaya maalinba maalinta ka dambeysa taageerayaasha sportska ee soo xaadiro garoonka maalinba maalinta ka dambeysa waxeyna macno weyn u sameyneysaa koobkaan iyo cayaaraha somaliya ka dhaca guud ahaan iyo gaar ahaan koonfur galbeed somalia.

Wixi warar ah ee ku saabskan kubada cagta waxaad kala socon kartaa halkaan maalin kasta iyo saacad kasta. https://www.footbool.net/ ama waxaad kaloo kala socon kartaan facebook bagekeen oo aan maalinkasta soo dhigno wixii warar ah ee ku saabsan kubbadda cagta. https://www.facebook.com/

By Admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *