Joshua Zirkzee ayaa ku riyaaqay kulan riyo ah maadaama uu dhaliyey goolkiisi ugu horeeyey caawa isagoo ka soo kacey kursiga keydka si uu manchester United u gaarsiiyo guul kulankii furitaanka Premier League ee caawa Jimcaha ah ay la ciyaareen kooxda Fulham. Xidiga heerka caalami ee xulka dalka Netherlands ayaanan ciyaarin hal daqiiqo oo ah kulankii saaxiibtinimo ee horreeyay ee United, isagoo yimid waqti danbe kadib markii ay dhacday Euro 2024. Zirkzee, oo ka yimid Bologna ayaa caawa saftey kulan aad u muhiim ugu ah xirfadiisa cayaareed, isagoo keyda looga soo tagey qeybtii hore ee cayaarta ayaa waxaa la keenay ayagoo natiijo la aan ah ayuu dhaliyey goolka kaliya ee caawa garoonka ka dhashey taasi oo cadeyn u ah macalinka in uu ku qaldanaa in halka weerar ama number 9 uu haysto uu keydka dhigo. goolkaan wuxuu boos siin doonaa in kulamada soo socda in lagu soo bilaabo ilaa uu ka imaanayo Hoglund oo dhaawac ku maqnaan doono ilaa dabayaaqada September 2024.

Manchester united ayaa caawa la hooyatey 3 dhibcood oo ay ka soo heleen kooxdii Fulham kulan ka tirsanaa horyaalka Premier league kiisi ugu horeyeey ee furitaan xili cayaareedkan 24/25. waa jawi aad ugu fiican kooxdaan oo natiijo xun ku jirtey sanadkaan bilowgiisa iyo kii hore dhamadkiisaba ayagoo kaalinta 8aad ka geley kala sareynta horyaalka ayaa caawa guul ku bilowdey taasi oo ka caawin karta kulamada soo socda. iyadoo ay dhaawac qaban xidigaha qaar kuwa kalena ay naadiga ku cusub yihiin oo waqti u baahan in ay la qabsadaa ayaa hadana waxey ku qasbanaayeen in ay bedelaan qaabkii ay ku dheeli jireen caawa ayagoo Fernandes number 9ka beenta ah ka cayaar sinaayey lkin aan wax saameyn ah yeelan shaxdaas isagoo bedelay ka dib.

Wixi warar ah ee ku saabskan kubada cagta waxaad kala socon kartaa halkaan maalin kasta iyo saacad kasta. https://www.footbool.net/ ama waxaad kaloo kala socon kartaan facebook bagekeen oo aan maalinkasta soo dhigno wixii warar ah ee ku saabsan kubbadda cagta. https://www.facebook.com/

By Admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *