Barcelona ayaa lagu sheegay iney ilaalinayso xaalada N'Golo Kante iyagoo miisaamaya inay la soo wareegaan ciyaaryahan khadka dhexe ka hor inta uusan xirmin suuqa kala iibsiga. Kante ayaa ka tagay Yurub xagaagii hore markii uu dhacay waqtigiisii ​​​​Chelsea, isagoo doortay inuu ku biiro kooxda Al Ittihad ee Saudi Pro League ka dib dhaawacyo hareeyay labadii xilli ciyaareed ee ugu dambeeyay London. 33-sano jirkaan ayaa kasoo kabsaday taam ahaanshihiisa isagoo ku sugan Sacuudiga, ka dibna si lama filaan ah ayuu door weyn ugu ciyaaray France Euro 2024, isagoo aan ciyaarin kubbad caalami ah muddo labo sano ah.
Barcelona ayaa lala xiriirinayay Kante ka hor inta uusan ku biirin Al Ittihad, sky SPORT ayaana haatan warineysa in qaab cusub la sameyn karo. Catalans ayaa la sheegay inay la xiriiraan kooxda uu ku sugan yahay xidiga reer Faransa iyadoo laga yaabo inay ka faa’ideystaan ​​rabitaanka muuqda ee ah inuu ka tago dalka Sacuudiga.

Kante ayaa la rumeysan yahay inuu si gaar ah u xiiseynayo agaasimaha isboortiga Barca Deco, inkastoo xidig garabka bidix ay mudnaanta siinayeen xagaagan oo dhan - kooxda ayaa u muuqata inay diidan tahay inay ka quusato Nico Williams. Tababaraha kooxda Hansi Flick ayaa aad u doonaya xidiga tayada weerarka baahan leh gaar ahaan marka la eego in Barcelona ay rajeyneyso inay awood u yeelato inay ku xisaabtanto Pedri, Frenkie de Jong iyo Gavi ee khadka dhexe marka seddexdaba ay taam noqdaan mar kale.
Barcelona ayaan heysan ciyaaryahan kubad bur buriye ah, Deco ayaa horay isha ugu hayay Amadou Onana ka hor inta uusan xiddiga reer Belgium ka tagin Everton kuna biiray Aston Villa. Kooxda ayaa sidoo kale muddo dheer lala xiriirinayay Martin Zubimendi, kaasoo diiday xiisaha Liverpool ee ah inuu sii joogo Real Sociedad.
Waxaa jiri doona tartan Kante ah oo ka imaanaya labada kooxood West Ham United iyo Atletico Madrid.

Wixi warar ah ee ku saabskan kubada cagta waxaad kala socon kartaa halkaan maalin kasta iyo saacad kasta. https://www.footbool.net/ ama waxaad kaloo kala socon kartaan facebook bagekeen oo aan maalinkasta soo dhigno wixii warar ah ee ku saabsan kubbadda cagta. https://www.facebook.com/








By Admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *