Matthijs de Ligt ayaa wacay saaxiibkiisii ​​hore ee Ajax Frenkie de Jong si uu isugu dayo inuu ku qanciyo inuu xagaaga u wareego Manchester United. De Jong ayaa laga yaabaa inay Barcelona iska iibiso iyagoo isku dayaya inay helaan lacag  si ay u bixiyaan qiimaha lagu burburin karo qandaraaskiisa Nico Williams.                           (El Nacional – Spain)

Bayern Munich xidiga garabka ee Kingsley Coman ayaa ka mid ah magacyada ku jira liiska Barcelona haddii ay awoodi waayaan saxiixa Williams. (Fabrizio Romano)

Arsenal ayaa mudnaanta siinaysa saxiixa Mikel Merino inta lagu guda jiro usbuucyadii ugu dambeeyay suuqa kala iibsiga, inkastoo ay sidoo kale u dhaqaaqi karto weeraryahan kale waqtigaas. (Football Insider)

Atletico Madrid ayaa diiday dalab furitaanka oo ah 35 milyan oo euro oo ay Chelsea ku doonaysay Joao Felix. Labada dhinac ayaa weli u socda wadahadal kadib markii uu burburay heshiiskii Samu Omorodion. (Record - Portugal)

Tababaraha kooxda chelsea Enzo Maresca ayaa aad u doonaya in uu keeno weeraryahan cusub ka hor inta uuna xidhmin suuqan, kooxda ayaana haatan mudnaanta siinaysa in ay u dhaqaaqdo xiddiga Napoli ee Victor Osimhen. (El Chiringuito - Spain)

Liverpool uma badna inay keensato ciyaaryahan khadka dhexe ah xagaagan ka dib markii uu diidey xidigii Real Sociedad Martin Zubimendi habeenkii isniinta. (Sports)

Vinicius Junior waxa uu helay dalab €1bn ah oo uu kaga tagayo Real Madrid oo uu ugu biirayo Saudi Pro League, inkasta oo ay wararka is khilaafayaan ee ku saabsan inuu aqbali doono dalabkan. (Relevo - Spain)

Bayer Leverkusen ayaa kalsooni ku qabta inay sii haysato Jeremie Frimpong xilli ciyaareedka 2024/25, inkastoo ay xiiseynayaan Real Madrid iyo kooxo Premier League. (Sky Sport Germany)

Newcastle United ayaa u dhaqaaqi doonta saxiixa xiddiga garabka uga ciyaara kooxda chelsea ee Noni Madueke hadii ay iska iibiyaan Miguel Almiron bishan. (I news)

Sevilla ayaa kula biirtay kooxda ay aadka u xifaaltamaan ee Real Betis tartanka loogu jiro saxiixa xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Tottenham ee Giovani Lo Celso kaas oo aan ku jirin qorshaha Ange Postecoglou. Aston Villa ayaa sidoo kale xiiseyneysa xiddiga heerka caalami ee dalka Argentina. (El Nacional – Spain)

Juventus ayaa dooneysa inay Manuel Locatelli ka iibiso Tottenham ka dib xilli ciyaareedkii 2023/24, iyadoo Spurs ay diyaar u tahay inay ku bixiso 20 milyan ginni ciyaaryahanka khadka dhexe. (Juve Live - Italy)

Everton, Fulham iyo Ipswich Town ayaa dhamaantood xiiseenaya in Kalvin Phillips ay ka qaadaan gacanta Manchester City. Ciyaaryahanka khadka dhexe ayaa qeybtii labaad ee xilli ciyaareedkii hore amaah ku joogay West Ham United. (Manchester Evening News)

Wixi warar ah ee ku saabskan kubada cagta waxaad kala socon kartaa halkaan maalin kasta iyo saacad kasta. https://www.footbool.net/ ama waxaad kaloo kala socon kartaan facebook bagekeen oo aan maalinkasta soo dhigno wixii warar ah ee ku saabsan kubbadda cagta. https://www.facebook.com/

By Admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *