Waxaa shaley galab dhacey kulan aad u xiiso badan kaasi oo ka tirsan Baydhaba kup oo ka bilowdey dhowaan maamul goboleedka koonfur galbeed. kulankaan oo ahaa kii labaad ee la cayaaro ayaa waxaa aad u soo buux dhaafiyey garoonka taageerayaal aad u badan oo ka kala yimid dhamaan xaafadaha iyo degmooyinka ku dhow dhow magaalada caasimada kg ee koonfur galbeen ee baydhabo. Kulan kaan oo ku bilowdey jawi degan oo labada kooxoodba ay wada ahaayeen kuwo ku jira foojignaan dheera ah ayaa sababtey in aan wax gool ah la iska dhalin qeybtii hore ee cayaarta. laakinse galinkii dambe ayaa ciyaarta isbadashey waxaana goolal gaaraya ilaa sadex la timaadey kooxdii shimateerka taasi oo si raaxo leh ku badisey kulankaan halkii kooxdii laga adkaadey ee Waxoolka ay la timid kaliya hal gool. Cayaarta ayaa ku soo dhamaatey si nadiif ah oo labada kooxoodba soo bandhigeen cayaar wanaag, ma jirin wax dhaawacyo waa weyn oo soo gaarey cayaartooyda mana jirin kaarar ganaaxa badan oo la bixiyey.

Dad weynaha u soo daawasho tagey oo uu la hadley wargeyska Footbool waxey u sheegen in ay ku raaxeysteen cayaar qurxoon oo degan oo ay labada kooxoodba soo bandhigeen. waxaa kaloo jiri doono kulamo kale oo la cayaari doono isbuucaan waxaan idinku soo gudbin doonaa webside kaan Footbool.net ama facebook pagenkeena iyagoo faah faahsan oo wata sawiro aad u qurxoon. waxaa halkaas inoo jooga wariyayaal aad ugu xeel dheer cayaaraha iyo soo tabin toodaba.

Wixi warar ah ee ku saabskan kubada cagta waxaad kala socon kartaa halkaan maalin kasta iyo saacad kasta. https://www.footbool.net/ ama waxaad kaloo kala socon kartaan facebook bagekeen oo aan maalinkasta soo dhigno wixii warar ah ee ku saabsan kubbadda cagta. https://www.facebook.com/

By Admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *