Al Nassr Cristiano Ronaldo ayaa ka codsaday madaxda Al Nassr inay keenaan garabka Manchester United ee Antony, kaasoo aad u doonaya inuu u dhaqaaqo Saudi Arabia. Red Devils ayaa xitaa joojin karta qandaraaskiisa si ay ugu fududaato inuu u dhaqaaqo. (El Nacional – Spain)

Liverpool ayaa doonaysa in ay saddex jibaarto mushaharka Martin Zubimendi si ay ugala soo wareegto kooxda Real Sociedad. Ciyaaryahanka khadka dhexe ayaa wali ka tashanaya mustaqbalkiisa iyo hadii uu ka tagi lahaa kooxdiisii ​​caruurnimada uu ku soo biirey. (Mundo Deportivo – Spain)

Manchester City ayaa Pedro Neto u tixgelisay inuu yahay bedelka suurtagalka ah ee xidigii ku biiray kooxda Atletico Madrid ee Julian Alvarez ka hor inta uusan u biirin laacibkan kooxda Chelsea. (Daily Telegraph)

Manchester United Erik ten Hag ayaa doonaya in Manchester United ay dib u soo celiso xiisahooda khadka dhexe ee Barcelona Frenkie de Jong. Barca kama fikiri doonto iibka ilaa €75m (£64m) hadii uu u yimaado. (El Nacional – Spain).

Real Madrid ayaa loo soo bandhigay fursad ay kula soo saxiixan karto daafaca dhexe ee Benfica Antonio Silva oo wakiilka ah Jorge Mendes, laakiin heshiiska ayaa ku adag Los Blancos oo u baahan inay bixiso ugu yaraan 75 milyan oo euro. (Defensa Central – Spain)

Barcelona ayaa suuqa ugu jirta xal qiimo jaban oo ay ku heli karto daafaca bidix waxayna bartilmaameed ka dhigtay xiddiga Tottenham Hotspur ee Sergio Reguilon. Reguilon ayaa xilli ciyaareedkii 2023/24 amaah ku qaatay Manchester United ka dibna Brentford. (AS – Spain)

Bayern Munich xiddiga garabka uga ciyaara Rennes ee Desire Doue ayaa go’aansaday inuu diido dalabkii Bayern Munich ugu biiri lahaa isagoo go aan sadey in uu ku biiro PSG. (Fabrizio Romano)

Arsenal ayaa rajaynaysa in ay amaah kula soo saxiixato Kingsley Coman ka dib markii ay u aragtay lacag dheeri ah oo looga baahan yahay kooxda Bavarian.
Bartilmaameedka kale ee Arsenal waa Raphinha, kaasoo ay Barcelona u furan tahay inay iska iibiso ka dib markii ay Dani Olmo kala soo wareegeen RB Leipzig. (El Nacional – Spain)

Tababaraha kooxda Tottenham Ange Postecoglou ayaa rajaynaya in kooxdu ay samayso ganacsi dheeraad ah ka hor dhamaadka suuqa kala iibsiga kadib markii ay dhamaystirtay saxiixa weeraryahan Dominic Solanke. (football.london)

Tababaraha Newcastle United Eddie Howe ayaa qirtay in Kieran Trippier laga yaabo in la iibiyo xagaagan sababtoo ah cadaadis dhaqaale, laakiin wuxuu rajeynayaa inuu sii haysto daafaca midig. (ChronicleLive)

Bournemouth, Everton iyo Leicester City ayaa dhamaantood xiiseynaya weeraryahanka Roma Tammy Abraham, kaasoo haatan diirada u saaran AC Milan. (Calciomercato – Italy)

Kurt Zouma bixitaankiis West Ham United ee aheyd in uu ku biiro kooxda Shabab Al-Ahli ayaa shaki ku jiraa ka dib markii ay dhibaatooyin soo wajahday intii lagu jiray tijaabada caafimaadka 29 jirka. (Sky Germany)


Wixi warar ah ee ku saabskan kubada cagta waxaad kala socon kartaa halkaan maalin kasta iyo saacad kasta. https://www.footbool.net/ ama waxaad kaloo kala socon kartaan facebook bagekeen oo aan maalinkasta soo dhigno wixii warar ah ee ku saabsan kubbadda cagta. https://www.facebook.com/

By Admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *