Manchester United ayaa heshiis la gaartay kooxda Bayern Munich oo ay kala soo wareegeen daafaca Matthijs de Ligt iyadoo ay haatan ay ku heshiyen lacag dhan €45m iyo €5m oo dheeri ah. De Ligt ayaa bartilmaameed u ahaa United suuqii xagaaga oo dhan waxana uu haatan u muuqdaa mid ku biiraya koox kale oo kubada cagta yurub ah kadib markii uu hore ugu soo ciyaaray Ajax, Juventus iyo Bayern.                 Sida laga soo xigtay wargeyska The Athletic, xiddiga heerka caalami ee dalka Netherlands ayaa ogolaaday heshiis shan sano ah oo uu ku darsan karo hal xilli ciyaareed oo dheeri ah. Laacibkaan ayaa dib ula midoobi doona tababarihiisi hore ee Erik ten Hag, kaasoo soo maamuley Ajax markii ay u soo baxday semi-finalka Champions League 2018/19 markaasoo 24 jirkaan uu wacdaro ka dhigay daafaca dhexe.
Waxa uu 22 kulan u saftay Bundesliga xilli ciyaareedkii hore intii uu hogaaminayay tababarihii hore ee Thomas Tuchel waxana uu ahaa badal aan la isticmaalin oo Netherland ah intii lagu jiray Euro 2024.
Qaab ciyaareedkii De Ligt ee Eredivisie ayaa u horseeday u wareegida 2019 Juventus, halkaas oo uu kula guuleystey horyaal Seri A Coppa Italia iyo Supercoppa Italiana ka hor inta uusan u wareegin Bayern 2022.
Waxa uu haatan noqonayaa saxiixii seddexaad ee ugu sareeya United ee suuqa kala iibsiga xagaagan ka dib heshiisyo ay kula soo wareegeen daafaca da'da yar ee Leny Yoro iyo weeraryahanka reer Holland Joshua Zirkzee.
Red Devils ayaa hore u raadinaysay inay u dhaqaaqdo daafaca dhexe ee Everton Jarrad Branthwaite laakiin Toffees ayaa dib u soo celisay laba dalab oo ay United ku doonaysay.
United ayaa si fiican u buuxin doonta daafaca dhexe marka uu yimaado De Ligt. Yoro ayaa wacdaro dhigay xilli ciyaareedkii hore ka hor inta uuna cagta ka dhaawacmin kaas oo dhawr bilood ka maqnaan doona, halka Lisandro Martinez uu dib ugu soo laabtay xulka kadib markii uu Copa America kula guulaystay Argentina. Harry Maguire, Victor Lindelof iyo Jonny Evans ayaa iyaguna ku jira daafacyada kooxda.
Kooxda Premier League ayaa weli xiiseyneysa saaxiibkiis De Ligt ee Bayern Noussair Mazraoui, waxaana laga yaabaa in dhaq dhaqaaq dheeri ah uu halkaas ka dhaco dhowaan iyadoo Aaron Wan-Bissaka lagu soo waramayaa inuu ku sii dhowaanayo u wareegida West Ham United.
Dalabka €15m oo lagu daray €5m oo dheeri ah ayaa Bayern aqbashay, inkastoo ay ku xiran tahay Wan-Bissaka inuu aqbalo ka tagista Old Trafford.


Wixi warar ah ee ku saabskan kubada cagta waxaad kala socon kartaa halkaan maalin kasta iyo saacad kasta. https://www.footbool.net/ ama waxaad kaloo kala socon kartaan facebook bagekeen oo aan maalinkasta soo dhigno wixii warar ah ee ku saabsan kubbadda cagta. https://www.facebook.com/

By Admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *