Xidhiidhka kubbada cagta Ingiriiska ayaa xaqiijiyay in Lee Carsley uu si ku meel gaadh ah u sii hayn doono xilka xulka qaranka England ee ragga ee kulamada soo socda ee UEFA Nations League.
Gareth Southgate ayaa xaqiijiyay wax yar ka dib Euro 2024 inuu iska casiley xilka tababaranimo, waxaana socda baadi goobka macalinka joogtada ah. Dhanka kale, tababaraha 21 jirada Carsley ayaa loo dalacsiiyay inuu maamulo kulamada ay xulka England la ciyaari doonaan Republic of Ireland iyo Finland bisha Sebtembar.

Carsley ayaa war qoraal ah oo uu soo saaray ku yidhi: “Sharaf ayay ii tahay in aan si ku meel gaadh ah u hogaamiyo xulkan England, maadaama aan aad u garanayo ciyaartoyda iyo meertada kubbada cagta caalamiga ah, waxay macno ii samaynaysaa in aan kooxda hago inta FA-ga sii wadaa habkii ay ku heli lahaayeen macalin joogta ah oo cusub.

Maamulaha guud ee FA ga Mark Bullingham ayaa intaa ku daray: “Lee waa tababare cajiib ah oo ay aad u garanayaan inta badan kooxdayada sare ee haatan isaga oo la soo shaqeeyay inta badan heer caalami ama heer kooxeed.

"Waxa uu na siinayaa xal ku meel gaar ah oo aad u xoogan, waxaana ku kalsoonahay inuu si fiican u soo bandhigi doono ciyaaraha UEFA Nations League ee soo socda, waxaan uga mahadcelineynaa Lee inuu kor u qaado si uu u maamulo kooxda inta aan sii wadeyno raadinta macalin. Ben Futcher waxa uu qaadan doonaa doorka Carsley ee ah maamulaha Under-21s wakhtiga la joogo.
“Muhiimadayda ugu wayn ayaa ah in aan xaqiijiyo sii socoshada hadafkayagu waa in aan sugno kor u qaadida UEFA Nations League”.




Wixi warar ah ee ku saabskan kubada cagta waxaad kala socon kartaa halkaan maalin kasta iyo saacad kasta. https://www.footbool.net/ ama waxaad kaloo kala socon kartaan facebook bagekeen oo aan maalinkasta soo dhigno wixii warar ah ee ku saabsan kubbadda cagta. https://www.facebook.com/

By Admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *