Ciyaaryahanka Manchester City ee Kalvin Phillips ayaa xiiseynaya dhowr kooxood oo Premier League ah xagaagan. Ciyaaryahanka khadka dhexe, oo qeybtii labaad ee xilli ciyaareedkii hore amaah ku qaatay West Ham, ayaa sidoo kale xiiso ka helay dibadda.
Si ka duwan wararka meelaha kale, Sky Sports News ayaa fahansan in Galatasaray aysan hadda ku jirin liiska dookhyada uu haysto.
Sky Sports News ayaa soo wariyay horaantii xagaagan in Everton ay ka mid tahay kooxaha eegaya isaga.Phillips waa nin maskax furan oo ku saabsan mustaqbalkiisa, laakiin ma jiraan wax horumar ah oo la taaban karo weli.
Phillips waxa uu si adag u shaqeeyay xagaagan oo dhan si uu naftiisa ugu helo qaabka ugu fiican waxana uu diirada saarayay qaab ciyaareedkiisa iyo taam ahaanshihiisa intii lagu jiray xilli ciyaareedkii hore ee City ee US, halkaas oo uu u dhacay daafac dhexe. Tababare Pep Guardiola ayaa sharaxay sababta uu halkaas ugu ciyaarsiiyey intii lagu jiray socdaalki Mareykanka laakiin waxa uu qirtay: “Ma garanayo waxa ku dhici doona xaaladiisa”.
Waxa uu yidhi July 31: "Runtii aad buu ugu fiicnaa dhibaatooyinka na haysata. Waan garanayaa Kalvin marka uu kubada helo oo uu arko dhamaan garoonka hortiisa waa ciyaartoy aad u fiican. Marka uu haysto meel yar oo garoonka cariiri yahey waxaa jira dhibaatooyin badan.

“Taasi waa sababta, dhibaatooyinka na heysano, wuxuu ku sameeyaa dadaal cajiib ah booskiisa, wuxuu ku kalsoonaa kubada, wax badan ayuuna na caawiyaa, runtii aad ayaan ugu faraxsanahay qaab ciyaareedkiisa.

“Marka aan heysano dhamaan daafacyada dhexe, waxaan heysanaa daafacyo badan oo dhexe, waana sababta aysan booskiisa aheyn, waan arki doonaa, haatan wuu na caawinayaa, wayna noo fiican tahay”.




Wixi warar ah ee ku saabskan kubada cagta waxaad kala socon kartaa halkaan maalin kasta iyo saacad kasta. https://www.footbool.net/ ama waxaad kaloo kala socon kartaan facebook bagekeen oo aan maalinkasta soo dhigno wixii warar ah ee ku saabsan kubbadda cagta. https://www.facebook.com/

By Admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *