David de Gea ayaa ugu dambayn ku dhow inuu dib ugu soo laabto xirfadiisa kubada cagta ka dib markii uu heshiis afka ah la gaaray kooxda ka ciyaarta Serie A ee Fiorentina.
De Gea kulankiisii ​​ugu dambeeyay wuxuu ahaa finalkii FA Cup 2023 ee Manchester United, isaga oo kooxda uga tagay si xor ah usbuucyo ka dib markii laga laabtay qandaraaskii oo ay ku heshiin waayeen. Da disa oo 33 jir ah kama dhigin De Gea goolhaye duq ah laakiin ka tagistiisii ​​Old Trafford ka dib 11 xilli ciyaareed ayaa isaga dhigay koox la’aan. Xiddiga reer Spain xagaagii hore helay dalabyo badan laakiin waxa uu diiday in uu biiro Saudi Pro League isaga oo rajaynaya in uu ka sii cayaaro europa.
Waxa ku dhacdey in uu xilli dhan oo ka maqnaado ciyaaraha, De Gea waxaa uu wakhtiga u isticmaalay inuu ku nasto, ku mashquulo hiwaayadaha iyo danaha ganacsi ee ka baxsan kubada iyo sidoo kale inuu naftiisa ku ilaaliyo oo uu sameeyo tababarka shaqsiyeed ee gurigisa ah.
Waxaa loo malaynayay inuu soo laaban doono bishii hore, isagoo xiiseynaya Sacuudiga, Mareykanka iyo Talyaaniga, laakiin ugu dambeyntii wadahadal uu la yeeshay Genoa ayaa lagu guuldareystay in lagu heshiiyo. Mesha uusan heshiiska Genoa ka dhicin, Fiorentina ayaa ka faaidey. Fabrizio Romano ayaa soo wariyay in heshiis afka ah uu la galay La Viola kaasoo lagu arki doono De Gea inuu saxiixo qandaraas hal sano ah ilaa 2025 - oo lagu daray ikhtiyaarka xilli ciyaareed kale.


wauxuu u socdaali doona dalka Talyaaniga si uu u maro iyo tijaabada caafimaadka ka hor inta aan la dhameystirin heshiiska ay gaareen.
Fiorentina ayaa ku dhameysatay kaalinta sideedaad ee Serie A xilli ciyaareedkii hore, waxayna sanadkii labaad oo xiriir ah gaartay finalka Conference League, iyadoo ay guuldaro kala kulantay Olympiacos bishii May ka dib markii ay garaacday West Ham United 2023. Ugu dambeyntii, waxay leeyihiin hami ah inay dib ugu soo laabtaan Champions League. markii ugu horeysay tan iyo 2010-kii waxaana lagu farxi doonaa in la arko Bologna oo si lama filaan ah u gaartay. De Gea ayaa booska kula tartami doona Pietro Terracciano. 34-jirka reer Talyaani wuxuu lambarka koowaad ka ahaa Florence tan iyo 2022 ka dib xirfadiisa inta badan waxa uu ku qaatay dib u soo kabasho ama heer hoose. Waayo-aragnimadiisa heerka ugu sareysa, De Gea waxaa loo tixgelin doonaa kan koowaad, halka ay sii joogan Oliver Christensen iyo Tommaso Martinelli.




Wixi warar ah ee ku saabskan kubada cagta waxaad kala socon kartaa halkaan maalin kasta iyo saacad kasta. https://www.footbool.net/ ama waxaad kaloo kala socon kartaan facebook bagekeen oo aan maalinkasta soo dhigno wixii warar ah ee ku saabsan kubbadda cagta. https://www.facebook.com/

By Admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *