Booqashada Chelsea ee Mareykanka ayaa ku soo idlaatay guuldarro kale, iyadoo Real Madrid ay 2-1 ku badisay kooxda Chelsea garoonka Charlotte ee dalka Mareykanka, halka maamulaha Blues Enzo Maresca uu ka murugooday arrimo cajiib ah iyadoo kooxda ay u taagan tahay halkii ugu xumeyd dhanka daafaca ah. 

“Waa dhibaato aan isku dayeyno inaan xalino xilli ciyaareedka isku diyaarinta tan iyo maalinti koowaad,” ayuu yiri tababaraha Talyaaniga, ka dib markii labo gool ay dhaliyeen Dani Ceballos iyo Brahim Diaz qeybtii hore ee ciyaarta oo ay real madrid hogaanka u qabatey ka hor inta uusan Noni Madueke gool u dhalin kooxdiisa chelsea kubad madax ah ka hor qeybta nasashada.
waxa ay noo noqotey caado. in aan ku cayaarin khadka difaaca ee sare. Waa caadadii sannadkii hore ama sannado ka hor. Ma garanayo. Laakiin waxaan isku dayeynaa inaan ka durukno afarta shan mitir hor daafaca si aan u helno furad ay daafacayeena ku ilaaliyaan kubadaha goolka u soo socota.

"Xilli ciyaareedkii hore waxaa nalaga dhaliyay goolal badan dhibaatadan darteeda, waxaana rajeyneynaa inaan xallin karno dhibaatadan si dhakhso ah."
Waqtigu wuu dhamaanayaa ka hor bilowga xilli ciyaareedka cusub. Chelsea ayaa Stamford Bridge kula ciyaari doonta Inter Milan sabtida, ka dibna waxa ay kulan Premier League ah gurigeeda ku marti gelin doontaa kooxda difaacanaysa horyaalka ee Manchester City oo 4-2 ku garaacday horraantii toddobaadkan.

Xaqiiqdii, guuldaradii Real Madrid waxay la macno tahay in Chelsea ay guuldaraysatay saddex ka mid ah shantii kulan ee ay ciyaartay xilli ciyaareedka cusub ee Stateside, kaliya waxay garaacday Club America waxayna barbaro la gashay League One Wrexham.
Goolhayaha cusub ee Filip Jorgensen ayaa ku soo bilawday kulankiisii ​​ugu horeeyay laakiin waxaa gool qurux badan ka dhaliyey Ceballos, sideed daqiiqo ka dibna Diaz ayaa kubad uu soo qaabeeyey xidiga orodka badan ee Real madrid ee Vinicius.
Gool kaliya ee chelsea dhaliyasey ayaa yimid ka markii uu kubbad uu soo karoosay Enzo Fernandez ayaa u ogolaatay Madueke inuu madax ku dhaliyo, lakiin qeybtii labaad ee ciyaarta ma aysan jirin fursado badan oo labada dhinac ah cayaarta oo ay heleen.




Wixi warar ah ee ku saabskan kubada cagta waxaad kala socon kartaa halkaan maalin kasta iyo saacad kasta. https://www.footbool.net/ ama waxaad kaloo kala socon kartaan facebook bagekeen oo aan maalinkasta soo dhigno wixii warar ah ee ku saabsan kubbadda cagta. https://www.facebook.com/

By Admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *