Conor Gallagher ayaa la siiyay ogolaansho uu ugu duulo Madrid iyadoo la qorsheeyay inuu tijaabada caafimaadka u maro dhamaadka usbuucan ka hor inta aanu saxiixo qandaraas shan sano ah. Samu Omorodion ayaa dhaliyay sideed gool 35 kulan oo uu saftay La Liga xilli ciyaareedkii hore xilli uu amaah ku joogay Deportivo Alaves. Heshiisyadu wali ma dhamaan balse ilo wareedyo ku lugta leh ayaa u sheegay Sky Sports News inay aad isugu soo dhawaanayaan labad kooxood oon aan wax badan u dhineyn in lagu dhawaaqo heshiiska. Atletico ayaa sidoo kale heshiis shaqsi ah la gaartay Julian Alvarez, kaasoo ay Manchester City kaga soo iibsatay 82 milyan ginni wuxuu muhiim u yahay xidiga ay chelsea rabto sababtoo hadii ay helaan Alvares waxey fasixi doonan Samu oo ay rabto Chelsea. Heshiiskii ay Chelsea kula soo wareegtay weeraryahan Omorodion ayaa ka soo dhawaanaya intiisi hore. 
Chelsea ayaa aqbashay heshiis 34 milyan ginni ah oo ay Atletico kaga iibineyso Gallager Ka dib markii ay isku fahmi waayeen Gallagher todobaadkii hore in uu saxiixo heshiis cusub oo uu ku sii joogayo Stamford Bridge.
Laba kooxood oo kale oo lixda kooxood ee ugu sareeya Premier League ayaa Chelsea waydiiyay Gallagher dhawrkii maalmood ee la soo dhaafay laakiin waxa uu go’aansaday inuu ku biiro Atletico Madrid.
Gallagher waxa uu qaatay go'aankiisii ​​ugu dambeeyay ka hor wakhtiga kama dambaysta ah ee dhamaadka todobaadkii la soo dhaafey isagoo diidey in uu ku biiro kooxo kale oo premier league ah oo soo dalbadey.
Chelsea ayaa aqbashay dalab weyn oo kaga yimid Aston Villa xagaagan laakiin Gallagher wuxuu go’aansaday inuu diido u dhaqaaqista Villa Park oo uu sii joogo Stamford Bridge. Waxaa sidoo kale xiiseynayey kooxda Tottenham iyana waa uu diidey.

Wixi warar ah ee ku saabskan kubada cagta waxaad kala socon kartaa halkaan maalin kasta iyo saacad kasta. https://www.footbool.net/ ama waxaad kaloo kala socon kartaan facebook bagekeen oo aan maalinkasta soo dhigno wixii warar ah ee ku saabsan kubbadda cagta. https://www.facebook.com/

                                                     
                     

By Admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *