Kooxda Paris Saint-Germain ayaa xaqiijisay in ay la soo wareegtay xiddiga khadka dhexe ee Joao Neves kaas oo ay kala soo wareegeen kooxda Benfica lacag dhan 70 milyan oo euro. Neves, oo 19 jir ah, ayaa si aad ah loola xiriirinayay inuu ka tagayo Benfica inta badan sanadkan, iyadoo Manchester United inta badan lagu tilmaamo inay aheyd kooxda aadka u dooneysay.Benfica ayaa dhowr jeer ku celcelisay rabitaanka Neves oo dhan 120 milyan oo euro oo lagu burburin karo qandaraaskiisa laakiin waxa ay aqbashay dalab 70 milyan euro ah oo ka yimid PSG, kaasoo xaqiijiyay imaatinka da'yarka khadka dhexe Isniintii.

“Farxad weyn ayay ii tahay inaan ku biiro Paris Saint-Germain, oo ah koox hami weyn leh,” Neves ayaa yiri ka dib markii uu saxiixay qandaraas shan sano ah. "Waxaan wax walba siin doonaa si aan u caawiyo asxaabteyda, iyo in aan khibrad ahaan ula koro kooxdan cajiibka ah oo aan ku guuleysto koobab badan."
Guddoomiyaha PSG Nasser Al-Khelaifi ayaa hadalkiisa sii raaciyay: “Waan ku faraxsanahay inaan Joao Neves ku soo dhawayno qoyska Paris Saint-Germain, Joao waa mid ka mid ah ciyaartoyda ugu tayada badan Portugal iyo adduunka.“Waxa uu ku biiray Paris Saint-Germain isaga oo si weyn uga go’an in uu u dagaalamo funaanadeena, taas oo ah waxa aan ka fileyno dhamaan ciyaartoydeena, waxaan sii wadeynaa in aan dhisno koox da’yar oo cajiib ah Paris Saint-Germain – oo ku saleysan shaqo kooxeed, karti iyo ruux wadareed. - taasoo aasaas u ah mustaqbalka wanaagsan ee Naadigeena.

"Madaxwaynaha Benfica Rui Costa ayaa dhawaan qirtay inuu ka niyad jabay ka tagitaanka Neves laakiin wuxuu xaqiijiyay in lacagta loo soo bandhigay ay tahay mid aan suurtogal ahayn in la diido.

"Waan fahmay dhaleeceynta taageerayaasha sababtoo ah qadhaadhkooda anigaa iska leh," Costa ayaa u sheegay A Bola. “Waa inaan sameyaa kooxo, waana inaan hubiyo in Benfica ay ku guuleysan karto koobab, marka aad lumiso ciyaaryahan tayada Joao ah, kaasoo halkaan lagu tababaray, waxaan dareemayaa xitaa murugo, waxaan aqaanay tan iyo markii aan 10 sano jir ahaa, wayna adagtahay in aan helo isaga oo kale.

Wixi warar ah ee ku saabskan kubada cagta waxaad kala socon kartaa halkaan maalin kasta iyo saacad kasta. https://www.footbool.net/ ama waxaad kaloo kala socon kartaan facebook bagekeen oo aan maalinkasta soo dhigno wixii warar ah ee ku saabsan kubbadda cagta. https://www.facebook.com/

                                                     
                     

By Admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *