Manchester United ayaa xaqiijisay in daafaceeda Leny Yoro looga sameeyay  qaliin cagta oo lagu guuleystay dhaawacii ka soo gaaray kulamadii isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub.
Da’yarka reer France ayaa bishii July kaga soo biiray Lille heshiis shan sano ah waxana uu wacdaro ka dhigay kulankiisii ​​ugu horeeyay ee saaxiibtinimo ee Erik ten Hag iyada oo Red Devils ay guusheedii ugu horaysay ee xagaaga ka gaadhay Rangers. Si kastaba ha ahaatee, Yoro ayaa jug ka soo gaartay cagtiisa kulankii ay guuldarada 2-1 ka soo gaartay kooxda ay xafiiltamaan Premier League ee Arsenal, waxaana United ay ka cabsi qabtaa inuu maqnaan doono ku dhawaad ​​labo ilaa seddex bilood.

Cabsidaas hadda waa la xaqiiqsaday, iyadoo kooxdu ay filaysay in 18-jirka uu mar kale diyaar noqdo dhammaadka Oktoobar ama horraanta bisha November ee ugu horreysa.Warbixin la soo dhigay website-kooda ayaa lagu yiri: “Daafaca Manchester United Leny Yoro ayaa maanta lagu sameeyay qaliin lagu guuleystay oo cagta ah.
Baxnaaninta Yoro hadda wey bilaabaneysaa, waxaana rajeyneynaa in 18-sano jirku uu ku soo laabto taam ahaanshaha ku dhawaad ​​seddex bilood gudahood."

Maqnaanshiyaha Yoro waxaa sii xumeeyay xilli uu garoomada ka maqnaan doono weeraryahan Rasmus Hojlund, kaasoo aan la fileynin inuu diyaar u noqdo in uu ciyaarta ilaa Sebtember. United ayaa sidoo kale soo gaartay seddex dhaawac oo cusub intii lagu jiray guuldaradii 3-0 ee dhawaan ka soo gaartay Liverpool. Aaron Wan-Bissaka, Jonny Evans iyo Victor Lindelof dhamaantood waxay u muuqdeen inay jug ka soo gaareen garoonka Williams Brice Stadium ee Columbia, South Carolina.

United ayaa markii hore ka cago jiiday inay shaaciso heerka uu gaarsiisan yahay dhaawaca Yoro, sida lagu sheegay warbixin, iyagoo ka walwalsanaa inay waxyeelo u geysato mowqifkooda wadahadalada ay kula jiraan Bayern Munich ee ku aadan heshiiska Matthijs de Ligt. Red Devils ayaa laba jeer dalab ka gudbisay De Ligt iyo xiddiga heerka caalami ee dalka Morocco Noussair Mazraoui oo ay dhawaan soo diiday kooxda Bundesliga ka dhisan, inkastoo loo maleynayo inay wali socdaan wadahadalada.

Wixi warar ah ee ku saabskan kubada cagta waxaad kala socon kartaa halkaan maalin kasta iyo saacad kasta. https://www.footbool.net/ ama waxaad kaloo kala socon kartaan facebook bagekeen oo aan maalinkasta soo dhigno wixii warar ah ee ku saabsan kubbadda cagta. https://www.facebook.com/

By Admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *