Manchester City ayaa qarka u saaran inay Atletico Madrid ka iibiso weeraryahankeeda Julian Alvarez qiimo dhan £82m; Labada kooxood ayaa ku heshiiyey lacagta, taasoo ka dhigan iney city faa'iido weyn oo ay ka heleen xidigaan oo 14 milyan  ay ku iibisay 2022 heshiiska ayaa saameyn ku yeelan kara heshiiska ay Chelsea ku dooneyso  weeraryahanka kooxda Atletic madrid ee Samu Omorodion. Wadahadalada naadiyada ayaa si wanaagsan u socday 24-kii saac ee lasoo dhaafay. Atletico ayaa afka hore ku bixin doonta 64 milyan oo gini €75 pound iyada oo lacagta soo hadhay ay ku bixin doonto qeyb qeyb, waxayna City u noqon doontaa iib rikoor faaido ah.
Shuruudaha shakhsiyeed weli waa in lagu heshiiyaa, inkastoo tani aan la fileynin inay dhibaato noqoto. Alvarez ayaa 103 kulan u saftay City tan iyo markii uu yimid Etihad Stadium laba sano iyo bar ka hor, isagoo u dhaliyay 36 gool.
Intii uu joogay City, wuxuu sidoo kale kula guuleystay Argentina Koobka Adduunka 2022, iyo sidoo kale Copa America horaantii sanadkan.
Iibinta dhow ee Alvarez ee Atletico ayaa sidoo kale saameyn ku yeelan karta ganacsiga suuqa kala iibsiga ee Chelsea, gudaha iyo dibaddaba.
Heshiiska ay Chelsea kula soo saxiixaneyso Samu Omorodion ayaa ku xiran in Atletico ay hesho bedelka weeraryahan, kaasoo u muuqda inuu yahay Alvarez.
Conor Gallagher ayaa sidoo kale wali heegan ugu jira inuu u duulo Madrid iyadoo Atletico iyo Chelsea ay sii wadaan wada xaajoodka Omorodion.
Qiimaha laga hadlayo Omorodion oo ah bartilmaameedka ugu sarreeya ee Chelsea wuxuu la mid yahay Gallagher 34m pound, oo qiimihiisu yahay 35 milyan ginni.

Wixi warar ah ee ku saabskan kubada cagta waxaad kala socon kartaa halkaan maalin kasta iyo saacad kasta. https://www.footbool.net/ ama waxaad kaloo kala socon kartaan facebook bagekeen oo aan maalinkasta soo dhigno wixii warar ah ee ku saabsan kubbadda cagta. https://www.facebook.com/

By Admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *