O'Riley, oo 23 jir ah, ayaa waxaa xagaagan dalab ka gudbisay kooxda reer Talyaani ee Atalanta, iyadoo kooxaha kale ee Yurub ay xiiseynayaan inay u dhaqaaqaan Gallagher ayaa diiday heshiis cusub oo ay Chelsea u soo bandhigtay dhamaadka July.                Atletico Madrid oo heshiis 34 milyan ginni ah kula heshiisay Chelsea ee ku aadan laacibkaanGallagher sidoo kale Chelsea ayaa dalab ka gudbisay O'Riley bishii Janaayo. iskastoo xiligaas aysan sii wadin doonistiisa laakin hada ayey raban in ku soo noqdaan wadahadaladii waa hadii uu ka tago Gallagher,Wadahadallada u dhexeeya Gallagher iyo Chelsea ayaa sii socda usbuucan si xal loogu helo mustaqbalkiisa.Sida ay wax u socdaan wuxuu la hadli karaa Atletico, inuu ogolaado qandaraaska labada sano ee Chelsea oo uu ku jiro ikhtiyaarka sanadka saddexaad, ama uu eego kan uu hadda ku joogo oo dhacaya 2025 isagoo sugaya inuu arko haddii ay kooxo kale u yimaadaan xagaagan midkood. ama Janaayo.

Chelsea ayaa aqbashay dalab weyn oo kaga yimid Aston Villa Gallagher xagaagan, laakiin wuxuu go’aansaday inuu diido u dhaqaaqista Villa Park oo uu sii joogo Stamford Bridge. Spurs ayaa weli xiiseyneysa Gallagher.

Chelsea waxa ay door bidi lahayd in ay ka iibiso koox dibadda ah halkii ay ka iibin lahayd koox Premier League ah.
Suuqa kala iibsiga xagaaga 2024 wuxuu si rasmi ah u xidhmayaa Agoosto 30 markay tahay 11pm wakhtiga UK ee Premier League iyo 11:30pm Scotland.

Horyaalka Premier League ayaa wax ka bedelay maalinta kama dambaysta ah si ay isku mid u noqdaan horyaalada kale ee Yurub. Xiritaanka haltaarikh ayaa la sameeyey ka dib markii ay wada hadleen maamulada horyaalada England, Germany, Italy, Spain iyo France.




Wixi warar ah ee ku saabskan kubada cagta waxaad kala socon kartaa halkaan maalin kasta iyo saacad kasta. https://www.footbool.net/ ama waxaad kaloo kala socon kartaan facebook bagekeen oo aan maalinkasta soo dhigno wixii warar ah ee ku saabsan kubbadda cagta. https://www.facebook.com/

By Admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *