Harvey Elliott ayaa shaaca ka qaaday in Liverpool ay noqon doonto koox kubad heysasho ku dhisan oo uu la yimid tababaraha cusub ee Arne Slot halkii ay ka ahaan jirtey koox caadis badan saarto kooxaha kale markii uu hogaamin jirey Jurgen Klopp.
Tababarihii hore ee Feyenoord Slot ayaa shaqada kala wareegay Klopp horaantii xagaagan, waxaana uu ilaa hadda hogaamiyey kulamada isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub, isagoo dhawaan garaacay kooxda ay xafiiltamaan Premier League ee Arsenal gudaha dalka Mareykanka.
Waxaa jira isbedel muuqda oo ku yimid Reds intii lagu jiray kulamadoodii saaxiibtinimo ee xagaaga, laakiin Elliott oo laba caawin ka sameeyay kulankii Gunners ayaa sheegay in kala guurka uu qaadan doono waqti inkastoo ay jiraan calaamado wanaagsan.
Waxa uu u sheegay The Times: "Hadda waa nooc ka badan kubad haysashada, tababaryaashu waxay leeyihiin qaabab ciyaareed kala duwan, Slot hadda wuxuu leeyahay qaab ku saleysan kubad haysashada iyo ilaalinta kubada, hal taabasho iyo laba taabasho, laakiin ma ahan inaan bixiyo tafaasiil intaan ka badan.

"Waxaan baraneynaa qaabab kala duwan, waxaana filayaa inay fure u tahay inaan hadda is fahanno iyo halka aan u baahannahay in aan horumar ka sameyno. "Waxaan u baahanahay inaan sii wadno tababarka, sii wadno shaqada, sii wadno dadaalka, waxaanan si buuxda u aaminsannahay macalinka, waxa uu sheegayo, waxa uu doonayo inaan sameyno, dhamaan ciyaartoydayada waa inaan garoonka dhexdiisa aan ku sameyno sida uu noo sheegay."
21 jirkaan ayaa 53 kulan u saftay Liverpool tartamada oo dhan xilli ciyaareedkii hore, isagoo dhaafey 46 kulan xilli ciyaareedkii 2022/23, inkastoo kaliya 11 kulan uu ku soo bilowday Premier League.

"Waxay u tahay qof walba bilow cusub," ayuu raaciyay. "Ma jiraan wax neerfaha ah, kaliya xamaasad, dhamaanteen waxaan dooneynaa inaan ka baxno halkaas oo aan ciyaarno oo aan tijaabino qaabkan cusub.



Wixi warar ah ee ku saabskan kubada cagta waxaad kala socon kartaa halkaan maalin kasta iyo saacad kasta. https://www.footbool.net/ ama waxaad kaloo kala socon kartaan facebook bagekeen oo aan maalinkasta soo dhigno wixii warar ah ee ku saabsan kubbadda cagta. https://www.facebook.com/

By Admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *