Fulham ayaa xaqiijisay inay heshiis joogto ah kula soo wareegtay xiddiga khadka dhexe ee Arsenal Emile Smith Rowe.
24-sano jirkaan ayaa kaliya 475-daqiiqo oo uu ciyaaray tartamada oo dhan xilli ciyaareedkii hore Fulham waxa uu u aadey in uu ka helo boos joogta. Wararka ayaa sheegaya in Fulham ay jabisay rikoorka suuqa kala iibsiga ee ay kula soo saxiixaneyso Smith Rowe, iyadoo bixisay 27 milyan ginni, waxayna ogolaatay 7 milyan oo dheeri ah si ay u hesho saxiixiisa.
Si kastaba ha ahaatee, heshiisku ma noqon doono iibka rikoorka ah ee Arsenal, weli waxaa ah rikoorkii 35 milyan oo ginni oo uu Alex Oxlade-Chamberlain ugu dhaqaaqay Liverpool xagaagii 2017.
"Ugu dambeyntii halkaan ayaan joogaa, marka runtii aad ayaan ugu faraxsanahay aniga iyo qoyskayga - waa waqti fiican," Smith Rowe ayaa yiri ka dib markii uu soo gabagabeeyay dhaqaaqiisa.
“Runtii aad ayaan u faraxsanahay, kaliya waxaan doonayay inaan halkaan ku imaado sida ugu dhaqsaha badan si aan ula qabsado asxaabtayda. iyo la hadalka Maareeyaha, iyo inaan aragno ciyaartoyda aan halkan joogo, waxaan u maleynayaa inay ii tahay wax xiiso leh, iyo hubaal ah tallaabada ugu fiican ee xirfadeyda horay u socota."
Smith Rowe waxa uu ku biiray akadeemiyada Arsenal 2010kii waxa uuna 14 sano la joogay Gunners. Markii ugu horeysay ee uu safto waxa ay aheyd September 2018, waxaana uu u saftay 115 kulan Arsenal tartamada oo dhan, isagoo u dhaliyay 18 gool.

Waxa uu si joogto ah uga mid ahaa kooxdii kowaad ee xilli ciyaareedkii 2021/22 laakiin waxa uu ka dhacey bask sanadka la soo dhaafey. Macalinka hada Arsenal joogo wuxuu ka helay oo kaliya 162 daqiiqo Premier League ah 2022/23. Cayaaryahanka khadka dhexe ayaa hadda doortay inuu ka tago kooxdiisii ​​caruurnimada.
Smith Rowe ayaa noqonaya saxiixii labaad ee Fulham xagaagan, ka dib markii uu si xor ah ugu soo laabtay Ryan Sessegnon ka dib markii uu ka soo tagay Tottenham Hotspur.
Fulham ayaa hadda la filayaa inay soo qaadato xiddiga khadka dhexe ee Manchester United Scott McTominay. Dalab 20 milyan ginni ah ayaa loo gudbiyay xiddiga heerka caalami ee dalka Scotland, laakiin Red Devils ayaa raadineysa ku dhawaad ​​30 milyan ginni si ay u ogolaato iibka.

wixi ah ee ku saabskan warar kubada cagta waxaad kala socon kartaa halkaan maalin kasta iyo saacad kasta. https://www.footbool.net/ ama waxaad kaloo kala socon kartaan facebook bagekeen oo aan maalinkasta soo dhigno wixii warar ah ee ku saabsan kubbadda cagta. https://www.facebook.com/

By Admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *