Conor Gallagher ayaa qarka u saaran inuu ka tago Chelsea isagoo diiday labo dalab oo qandaraas cusub ah xagaagan, warar badan oo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegay.
Ciyaaryahanka khadka dhexe ayaa hal sanno uga hartay qandaraaskiisa haatan ee Stamford Bridge, waxaana si aad ah loola xiriirinayay inuu ka tagayo inta badan 12-kii bilood ee la soo dhaafay.
Inkastoo Tottenham Hotspur ay aheyd kooxda ugu xiisaha badan xagaagii hore lakin hada Atletico Madrid ayaa ah kooxda horay u sii riixeysa inay u dhaqaaqdo Gallagher xagaagan waxayna direen dalab 33.8 milyan ginni ah oo ay aqbashay Chelsea.

Si kastaba ha ahaatee, warar kala duwan oo soo baxey ayaa sheegaya in Gallagher uu dhab ahaantii laba dalab oo qandaraas cusub ah ka helay Chelsea labadii bilood ee la soo dhaafay, laakiin laba jeerba wuu diiday.
Dalabkii ugu horreeyay wuxuu yimid bishii Juun, isla waqtigaas kooxdu waxay diiday dalab kale oo uga yimid Aston Villa. Dalabkii labaad ee Chelsea u soo bandhigey dhawaan iyagoo ballan qaaday iney Gallagher ka dhigi doono mid ka mid ah xidigah ugu mushaark badan ee khadka dhexe ah laakiin mar kale ma uusan ogolaanin.
In kasta oo dalabkii Villa ee Gallagher uu ahaa mid lacag badan, haddana Chelsea ayaa la sheegay inay ku faraxsan tahay inay Atletico ka iibiso qiimo yar maadaama aysan rabin in ay ka iibiyaa koox ay ku xafiiltamaan horyaalka ingiriiska.
Gallagher ayaan wali heshiis shaqsi ah la gaarin kooxda reer Spain. laacibkaan ayaa laga yaabaa inuu u ciyaarey kulankiisii ​​ugu dambeeyay ee Chelsea ciyaartoydii gaartay finalka Euro 2024 oo ay ku jiraan Cole Palmer iyo Marc Cucurella loo sheegay inaysan qasab ku ahayn inay ku biiraan kooxda inteeda kale safarkooda Maraykanka.
Chelsea ayaa ugu yaraan ku soo dartay khadkeeda dhexe xagaagan Kiernan Dewsbury-Hall kaga soo iibsatay Leicester City 30 milyan ginni. Renato Veiga oo 21 jir ah, kaasoo £11.8m kaga soo biiray Basel, isagoo awood u leh inuu ka ciyaaro dhexda.

wixi ah ee ku saabskan warar kubada cagta waxaad kala socon kartaa halkaan maalin kasta iyo saacad kasta. https://www.footbool.net/ ama waxaad kaloo kala socon kartaan facebook bagekeen oo aan maalinkasta soo dhigno wixii warar ah ee ku saabsan kubbadda cagta. https://www.facebook.com/

By Admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *