Manchester United ayaa dib ugu soo laabatay wadahadaladii ay kula jirtay Barcelona ee saxiixa Frenkie de Jong. Kooxda reer Catalonia ayaa u baahan in ay iib weyn samayso xagaagan si ay u kobciso dhaqaalahooda. (El Nacional – Spain)

Victor Osimhen ayaa doorbidi lahaa inuu ku biiro Chelsea halkii uu PSG ku biiri lahaa haddii loo ogolaado rabitaankiisa inuu ka tago Napoli xagaagan. (CalcioNapoli24)

Barcelona ayaa dalab cusub ka gudbisay Dani Olmo kaas oo u dhigma 60 milyan oo euro oo ay RB Leipzig ku qiimaysay kubbad qaabeeyaha reer Spain. (SPORT – Spain)

Arsenal ayaa ka danbeysa kooxda ay xifaaltamaan ee Tottenham Hotspur tartanka loogu jiro saxiixa xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Wolves ee Pedro Neto, iyadoo Spurs ay xoojisay wadahadalada ay kula jirto xidiga Portuguese-ka ee ku aadan shuruudaha shaqsiyeed. (Football transfers)

Real Madrid ayaa ku sii dhawaanaysa in ay heshiis la gaadho kooxda chelsea kaas oo ay isku dhaafsanayaan goolhaye Andriy Lunin iyo Kepa Arrizabalaga. (El Nacional – Spain) Ciyaaryahanka kale ee ka tagi kara Real Madrid waa Rodrygo, iyadoo Manchester City iyo PSG ay diyaar u yihiin inay u soo bandhigaan wadada uu kaga baxsan karo Santiago Bernabeu. Haddii ay u baahdaan inay la soo wareegaan daafac dhexe oo kale, Real Madrid ayaa bartilmaameedsan doonta Aymeric Laporte haddii uu iska xureeyo qandaraaskiisa qaaliga ah ee Al Nassr. (Defensa Central - Spain)

Liverpool ayaa xiiseyneysa saxiixa weeraryahanka Sporting CP Viktor Gyokeres waxayna aaminsan tahay inay ku gaari karaan heshiis 58.9 milyan ginni ah.
Si kastaba ha ahaatee, qiimaha Gyokeres waxay u badan tahay inay hoos u dhigto Arsenal, oo weli suuqa ugu jirta weeraryahan cusub. (Fabrizio Romano)

Manchester City ayaa isku diyaarinaysa inay Julian Alvarez ku iibiso wax aan ka yareyn 40 milyan oo gini haddii uu waydiisto inuu kooxda ka tago kooxda. Chelsea, PSG, iyo Atletico Madrid ayaa ka fiirsanaya inay u dhaqaaqaan xiddiga reer Argentina. (Football Insider)

Newcastle United ayaa dalab 67.6 milyan ginni ah ka gudbisay Arda Guler, laakiin Real Madrid ayaan xiiseyneynin inay iibiyaan laacibkaan Turkiga ah. Bishii hore, Newcastle ayaa ku guuldareysatay isku day ay ku dooneysay Joe Gomez, daafaca ayaa weli u furan inuu ka tago Liverpool ka hor inta uusan xirmin suuqaan. (Daily Mail)

wixi ah ee ku saabskan warar kubada cagta waxaad kala socon kartaa halkaan maalin kasta iyo saacad kasta. https://www.footbool.net/ ama waxaad kaloo kala socon kartaan facebook bagekeen oo aan maalinkasta soo dhigno wixii warar ah ee ku saabsan kubbadda cagta. https://www.facebook.com/

By Admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *