Liverpool ayaa lagu soo waramayaa inay ka shaqaynaysay heshiis 75 milyan ginni ah oo ay kula soo wareegtay garabka Newcastle United Anthony Gordon iyadoo ay kooxiidsa new castel ay daneyneyso lacagtaas tirada badan. Gordon oo 11 sano ku qaatay Everton, waxa uu qayb ka ahaa akadeemiyada Liverpool bilowgiisa cayaarista kubadda cagta, waxaana si weyn loola xiriirinayay Reds xagaagan oo dhan iyagoo doonaya inay dib u soo nooleeyaan kooxda tababaraha cusub ee Arne Slot.
23-sano jirkaan ayaa wax badan ku soo kordhin doono garabka bidix, halkaasoo Luis Diaz uu ku dhibtooday booskaas iyo Darwin Nunez ayaa mar mar ka cayaaro laakin booskaas wali liverpool ma helin xidigii ku soo baxaayey.

Wargeyska Liverpool Echo ayaa ku warameysa in heshiis ku kacaya 75 milyan ginni ay la gaareen Newcastle. heshiiskaas waxaa ka mid ah xidiga Joe Gomez in uu aado St James' Park, oo lagu qiimeeyay lacag ah £45m.

Sababta Newcastle ay uga u ogolaato Gordon, oo dhaliyay 11 gool Premier League xilli ciyaareedkii hore, inuu ka tago kooxda ayaa ah walaac ka qabaan sharciga dhaqaalaha ee hoggaansanaanta Shuruucda Faa'iidada & Joogtada ee preimier league Laakiin halka Liverpool ay u muuqatay inay doonaysay inay hore u socoto, Newcastle ayaa wax walba joojisay markii ay heleen siyaabo kale oo ay dhaqaalahooda u hagaajiyaan. Waxaa xusid mudan in Elliott Anderson iyo Yankuba Minteh ay midkiiba 35 milyan ginni kaga iibiyeen Nottingham Forest iyo Brighton & Hove Albion dhamaadkii bishii June.
Waxay la macno tahay in Liverpool ay wali sugayso in lagu daro kooxda Jurgen Klopp oo ku dhameysatay kaalinta seddexaad ee Premier League xilli ciyaareedkii hore, iyagoo 7 dhibcood ka hooseeya Arsenal, sagaal dhibcoodna ka hooseeyaan Manchester City.

Iyadoo Liverpool ay diyaar u tahay inay iibiso Gomez, bixistiisa ayaa fashilantay mar hore xidigaan mustaqbalkiisa ee Anfield mugidga galey. Waxa uu muujiyay mid aad u qiimo badan xilli ciyaareedkii hore, isagoo buuxinaya labada daafac ee bidix iyo garabka midig xili cayaaredkii hore sababtoo ah dhaawacyo ay qabeen Trent Alexander-Arnold iyo Andrew Robertson.
Daafaca dambeedka midig ee RB Leipzig Mohamed Simakan ayaa ah hal xidig oo daafaca ah oo lala xiriirinayo Reds.


wixi ah ee ku saabskan warar kubada cagta waxaad kala socon kartaa halkaan maalin kasta iyo saacad kasta. https://www.footbool.net/ ama waxaad kaloo kala socon kartaan facebook bagekeen oo aan maalinkasta soo dhigno wixii warar ah ee ku saabsan kubbadda cagta. https://www.facebook.com/

By Admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *