Barcelona ayaa wadahadalo kula jirta kooxda Inter Miami oo ku saabsan in Lionel Messi uu dib ugu soo laabto kooxda si uu hal kulan final ugu ciyaaro Camp Nou. Madaxweynaha kooxda Joan Laporta ayaa doonaya in halyeeyga weerarka ka ciyaara uu ciyaaro kulankoodii ugu horeeyay ee ay ku soo laabtaan garoonkooda cusub.          (El Nacional – Spain)

Liverpool ayaa ka cago jiidaysa inay Juventus ku iibiso 50.5 milyan ginni oo ay ku doonayso daafaceeda Gleison Bremer, sidaas darteed waxay diyaar u tahay inay Bianconeri u soo bandhigto ciyaaryahan aan la magacaabin.
Ciyaartoyga kale ee ay Liverpool doonayso waa Joey Veerman, kaas oo mid ahaa ciyaartoyda khadka dhexe ugu fiican ee PSV Eindhoven.(Todo Fichajes - Spain)

Manchester United ayaa ka mid ah kooxaha dalabka soo daahay u gudbiyay PSG ee Xavi Simons kaas oo badalkeeda amaah ugu biiri doona RB Leipzig xilli ciyaareedka 2024/25. (TBR Football)

Atletico Madrid ayaa ku dhow inay heshiis la gaarto Conor Gallagher oo ka tirsan Chelsea, iyadoo ay arimo yar yar ay ka harsan tahay oo keliya in la dhameeyo heshiiskaan (Fabrizio Romano)
Atletico ayaa sidoo kale ka rajo dhigin saxiixa Julian Alvarez oo ka tirsan Manchester City, inkastoo Arsenal iyo Chelsea ay sidoo kale doonayaan weeraryahanka reer Argentina. (MARCA – Spain)

Arsenal ayaa heshiis shaqsi ah la gaartay ciyaaryahanka khadka dhexe ee Real Sociedad Mikel Merino, waxaana ay haatan isku dayi doontaa inay soo gabagabeyso qiimaha suuqa kala iibsiga uu ka joogo. (Sports Zone - Belgium)

Merino ayaa doorbidaya inuu ku biiro Barcelona, ​​laakiin La Blaugrana ma hayso wax qorshayaal ah oo ay ku dabagalayso xiisahooda. (SPORT – Spain)

West Ham United ayaa sare u qaadaysa heshiisyada ay kula soo saxiixaneyso weeraryahanka Borussia Dortmund Niclas Fullkrug iyo daafaca midig ee Man Utd Aaron Wan-Bissaka. (Sky Sports)

Tottenham Hotspur ayaa kula biirtay Chelsea tartanka loogu jiro saxiixa Victor Osimhen oo ka tirsan Napoli, iyadoo Blues ay durbaba wadahadalo la furtay Romelu Lukaku. (Football Insider )

Barcelona ayaa wali rajo ka qabta saxiixa Dani Olmo, waxaana ay diyaar u yihiin inay Ansu Fati u soo bandhigaan RB Leipzig si uu miisaan ugu yeesho heshiiska. (El Nacional – Spain)

Chelsea iyo Aston Villa ayaa dalabyo la taaban karo ka gudbiyay weeraryahanka Hoffenheim iyo Germany Maximilian Beier, kaasoo ay sidoo kale dooneyso kooxda heysata Bundesliga ee Bayer Leverkusen. (Sky Sport Germany)

Chelsea in kasta oo ay haatan heshiis 20.7 milyan ginni kula soo wareegtay gool haye Filip Jorgensen, waxay sidoo kale hore u sii riixaysaa inay 16.7 milyan ginni kula soo wareegto goolhayaha Genk Mike Penders. (HLN - Belgium)

Real Madrid ayaa isku diyaarinaysa in ay iska fasaxdo Reinier Jesus kadib afar sano oo uu kooxda ku guul daraystay, Los Blancos ayaa u furan in ay bixiso 30 milyan oo euro. Real Madrid ayaa sidoo kale ku dhow inay la soo wareegto xiddiga da'da yar ee River Plate Franco Mastantuono. (AS - Spain)

Aston Villa ayaa xiisaynaysa weeraryahanka Crystal Palace Jean-Philippe Mateta ka dib markii ay istaageen wadahadaladii heshiis kordhinta ee Selhurst Park. (Daily Express)
wixi ah ee ku saabskan warar kubada cagta waxaad kala socon kartaa halkaan maalin kasta iyo saacad kasta. https://www.footbool.net/ ama waxaad kaloo kala socon kartaan facebook bagekeen oo aan maalinkasta soo dhigno wixii warar ah ee ku saabsan kubbadda cagta. https://www.facebook.com/

By Admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *