Chelsea ayaa dhameystirtay saxiixa goolhaye Filip Jorgensen oo ay kala soo wareegeen Villarreal heshiis la rumeysan yahay inuu ku kacayo 20.7 milyan ginni.
Xiddiga reer Denmark ayaa qalinka ku duugay heshiis todobo sano ah oo uu ku joogayo Stamford Bridge waxana uu noqday goolhayihii afraad ee u saxeexa kooxda tan iyo markii ay kooxda BlueCo la wareegtay 2022.Isagoo la hadlayay channel-ka kooxda Chelsea, 22-sano jirkaan ayaa yiri: “Tallaabadan waa riyo rumowday, aad ayaan ugu faraxsanahay inaan u saxiixay Chelsea, mid ka mid ah kooxaha ugu waaweyn adduunka, ma sugi karo inaan tago oo aan barto qof walba oo aan bilaabo la ciyaarida dhamaan asxaabtayda cusub.
“Aad ayey muhiim iigu aheyd inaan halkaan imaado sida ugu dhaqsaha badan oo aan uga qeyb qaato sida ugu dhaqsiyaha badan si aan ugu diyaargaroobo xilli ciyaareedka cusub, si aan u barto sida macalinka uu doonayo inuu u ciyaaro, iyo inaan barto qof walba meesha joogo.
Jorgensen waxa uu ku dhashay kuna soo barbaaray Denmark balse waxa uu u dhaqaaqay Spain markii uu 14 jir ahaa, waxa uu ku biiray Mallorca hal sano ka hor inta aanu u saxeexin Villarreal. Wuxuu ku soo qaatey xilli ciyaareedk cajiibka 2023/24, isagoo u saftay 37 kulan.
"Aad ayaan ugu faraxsanahay sida 12-kii bilood ee la soo dhaafay oo aan isu soo muujiyey aad ayaan ugu kalsoonahay naftayda, waxaana ogahay tayada aan leeyahay," ayuu raaciyay. “Nasiib wanaag waxaan fursad u helay inaan isku muujiyo masraxa ugu weyn Spain, haatan aad ayaan ugu faraxsanahay inaan fursadaas ku helo mid ka mid ah kooxaha ugu waaweyn adduunka.
"Waxaan mar walba jeclaa daawashada Chelsea sababtoo ah waxaan daawaday wax badan Petr Cech ah sidaas darteed Chelsea waxay ahayd mid ka mid ah kooxaha aan jeclahay inaan ku biiro.



wixii warar ah ee ku saabskan cayaaraha kubada cagta waxaad kala socon kartaan halkaan maalin kasta iyo saacad kasta. https://www.footbool.net/ ama waxaad kaloo kala socon kartaan facebook bagekeen oo aan maalinkasta soo dhigno wixii warar ah ee ku saabsankan kubada cagta. https://www.facebook.com/

By Admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *