Manchester United ayaa ku dhibtoonaysa sidii ay u heli lahayd ciyaartoy ay ku bedesho Casemiro, iyagoo isugu dayday inay iibiyaan ka dib xilli ciyaareedkii liitay ee 2023/24, waxaanay haatan isku diyaarinaysaa xili cayaared cusub.Red Devils ayaa sidoo kale ku dhibtooneysa inay heshiis la gaarto kooxda PSG oo ku aadan Manuel Ugarte.(GiveMeSport)

Arsenal ayaa horay ugu sii dhawaaneysa saxiixa xiddiga khadka dhexe ee kooxda Real Sociedad Mikel Merino marka uu Emile Smith Rowe u dhaqaaqo Fulham. (MARCA – Spain)

Madaxweynaha Real Sociedad Jokin Aperribay ayaa qirtay in kooxdiisu ay aqbali doonto dalabyada Merino oo ay sidoo kale doonayso Barcelona hadii uu u sheego in uu doonayo in uu baxo. (MARCA – Spain)

Liverpool ayaa u gudbisay Genoa dalab 21 milyan oo ginni ah oo ay ku doonayso ciyaaryahanka khadka dhexe ee Morten Frendrup, laakiin kooxda reer Talyaani ayaan xiiseyneynin inay iibiso. (TuttoMercatoWeb – Talyaaniga)
Liverpool ayaa la xariirinayaa ciyaaryahanka kale oo ka dheela dhanka weeraryahanka ee kooxda Galatasaray Baris Alper Yilmaz, kaasoo ahaa mid ka mid ah ciyaartoydii ugu fiicneyd Turkiga Euro 2024. (Fotomac – Turkey).

Real Madrid Ka dib markii ay waayeen saxiixa Leny Yoro ee ku biirey Man Utd, Real Madrid ayaa kaliya go’aansan doonta inay la soo saxiixato daafac dhexe kale suuqan usbuucyada ugu dambeeya ee Agoosto, markaasoo ay sawir cad ka helayaan marka David Alaba uu ka soo laabanayo dhaawaca.(MARCA – Spain)

Manchester City iyo Tottenham Hotspur ayaan wali wax ka bedelin dalabyadii hore ee ka gudbiyeen xiddiga khadka dhexe ee Crystal Palace Eberechi Eze kaas oo la sheegay in uu isaga tagi doono Selhurt Park. (GiveMeSport)

Napoli wali wax heshiis ah lama aysan gaarin Chelsea oo ku aadan Romelu Lukaku, laakiin hadda waxay diyaar u tahay inay Victor Osimhen u dirto galbeedka London si ay qeyb uga noqoto heshiis kasta. (Guardian)

Chelsea ayaa wadahadalo la furtay wakiilka xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Juventus ee Federico Chiesa kaas oo ku saabsan suurtogalnimada uu ugu dhaqaaqi karo Stamford Bridge. Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Talyaaniga ayaa lagu iibin karaa wax ka yar £20m. (TEAMtalk)

Tottenham ayaa sii wada inay hoos u dhigto xiisaha ay u haayan Chiesa iyagoo sidoo kale raadinaya weeraryahan cusub. (The Sun)
Ikon för Verifierad av gruppen
Atletico Madrid ayaa haatan wadahadalo toos ah kula jirta kooxda chelsea iyaga oo ka doonaya Conor Gallagher iyada oo Blues diyaar u ah in ay iibiso xiddiga hadii ay hesho lacag dhan 30 milyan oo gini oo lagu daray waxyaabo kale. (Fabrizio Romano)

Atletico ayaa sidoo kale dooneysa weeraryahanka Fiorentina Nicolas Gonzalez, kaasoo sidoo kale lala xariirinaayey Newcastle United. (La Nazione – Talyaaniga)

West Ham United ayaa dooneysa inay Oumar Solet kala soo wareegto Red Bull Salzburg, iyadoo Julen Lopetegui uu go’aansaday inuu lamaane la cayaara waqti dheer ah u helo daafaca dhexe ee cusub Max Kilman. (HITC)

wixii warar ah ee ku saabskan cayaaraha kubada cagta waxaad kala socon kartaan halkaan maalin kasta iyo saacad kasta. https://www.footbool.net/ ama waxaad kaloo kala socon kartaan facebook bagekeen oo aan maalinkasta soo dhigno wixii warar ah ee ku saabsankan kubada cagta. https://www.facebook.com/

By Admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *