Arsenal ayaa xiiso u qabta xiddiga Bayern Munich ee Leroy Sane waxana laga yaabaa in ay u dhaqaaqdo xiddiga garabka ka ciyaara ee reer Germany xagaagan sida ay sheegayaan wararku. 28-sano jirkaan ayaa qandaraaskiisa haatan ee Allianz Arena waxaa uga haray kaliya hal sano, mana jiro wax heshiis kordhin ah oo hadda jira, Gunners ayaa laga yaabaa inay lasoo wareegto oo ay usoo bandhigto heshiis xagaagan.
Sane ayaa laga yaabaa inuu dib ugu soo laabto Premier League madaama Arsenal ay si dhow ula socoto ciyaaryahanka garabka ka ciyaara, sida laga soo xigtay Sky Sport Germany. Haddii uu u dhaqaaqi lahaa Emirates Stadium, Sane waxa uu dib ula midoobi lahaa tababarihiisi hore Mikel Arteta. Macalinkaan reer Catalan-ka ayaa door weyn ku lahaa shaqaalaha qolka dambe ee City waqtigii xidigaan ku sugnaa Etihad Stadium, isagoo u shaqeynayay kaaliye ku xigeenka Pep Guardiola seddex sano.
Muddadaas, waxa uu ka caawiyay horumarinta ciyaartoyga sida Sane, halka uu sidoo kale ku guuleystay laba horyaal oo Premier League ah, FA Cup iyo laba koob oo League Cup ah.
Ka hor kulankii Bayern ee Champions League ee Arsenal bishii April, markaasoo uu dhaliyay gool muhiim ah oo ay ku gaareen guusha, Sane ayaa yiri: “Mahadsanid Arteta iyo fikradihi uu sii jirey iyo sida dhaqsida uu ugu horumaray, wali madaxayga ayaan ku hayaa oo isku dayaa in aan hirgeliyo fikradahaas aan ka qaatey Arteta."

Arsenal ayaa samaysay saxiixeedii ugu horeeyay ee suuqa xagaaga isniintii iyaga oo ku dhawaaqay imaanshaha xiddiga Italy Riccardo Calafiori. Daafaca ayaa ku biiray kooxda safarkooda xilli ciyaareedka ka horeeya ee Mareykanka, isagoo door muhiim ah ka qaatay dhabarka dambe ee kooxda Arteta.
Waxaa la filayaa in Arsenal ay haatan isku dayi doonto inay soo qaadato xidig dhanka weerarka ah, taasoo si maldahan u ah u dhaqaaqista Sane. Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Jarmalka ayaa 42 kulan u saftay Bayern xilli ciyaareedkii hore, isagoo u diiwangeliyay 10 gool iyo 13 caawin.

Sane, oo inta badan u ciyaarayay garabka midig xili cayaareedkii ugu dambeeyay, ayaa la kulmi doona tartan adag hadii uu u dhaqaaqo Emirates. Xiddiga England Bukayo Saka ayaa inta badan haysta garabka midig ee Arsenal, isagoo dhaliyay 20 gool 47 kulan oo uu saftay xilli ciyaareedkii hore.

wixii warar ah ee ku saabskan cayaaraha kubada cagta waxaad kala socon kartaan halkaan maalin kasta iyo saacad kasta. https://www.footbool.net/ ama waxaad kaloo kala socon kartaan facebook bagekeen oo aan maalinkasta soo dhigno wixii warar ah ee ku saabsankan kubada cagta. https://www.facebook.com/


By Admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *