1-Dhaawacyo cusub oo gaaray laacibiinta Man Utd. Imaanshiyaha Ruud van Nistelrooy ayaa u muuqda in uu goor horeba saameyntiisa muuqato, xidigooda Hojlund ayaa dhaliyay goolkii furitaanka ciyaarta waxa uu ahaa gool isku dhac ah, laakiin Hojlund ayaa ku qasbanaaday in ay si adag u shaqeeyo balse farxaddii Hojlund ayaa ahayd mid muddo gaaban socotay, maadaama lix daqiiqo kaddib uu dhaawacmey. Laacibka ayaa looga shakisan yahay in uu soo gaaray dhaawac dhanka muruqa ah taas oo laga yaabo in uu waqti dheer ku maqnaan doono ayadoo ku xiranan hada xaalada dhaawaca oo wali la shaacin. United ayaa markaa ka dib waxa laga saarey cayaarta laacibkii imaadey xagaagan Leny Yoro ka hor inta aan la gaarin qeybtii labaad ee cayaarta daafaca reer France ayaa la sheegay in uu la tacaalayo dhaawac anqawga ah. Ten Hag ayaa waxaa xoojiyay soo laabashada Harry Maguire ee daafaca dhexe, lakiin Lisandro Martinez ayaa isna dhaawac ku maqan. 2 Gabriel Martinelli oo doonaya inuu dib u soo laabto heerkiisi uguy fiicanaa. Martinelli ayaa ku raaxeystey xili cayaredkii 2022/23 balse waxaa ku adkaadey xili cayaaredkii hada soo dhamaatey Martinelli waxaa ku dhacey hoos dhac xilli ciyaareedkii hore wuxuuna u baahan yahey in uu ka soo kabsado.xidigaan oo dhaawac soo gaarey hoos u dhigey heerkiisa ayaa hadan waxaa kooxda imaadey Leandro Trossard kaasi oo si fiican u cayaarey buuxiyeyna booskaas intii uu maqnaa marka hada Martinelli ayaa u baahn in uu booskiisa ceshto oo ka faaideysto dhaawa uu ku maqnaan doono Leandro Trossard mudo labo bilood ah taasi oo fursad weyn u ah in uu dib isu soo muujiyo bilowga xili cayaaredkan. 3 Ethan Nwaneri waa diyaar. Ethan Nwaneri oo 17 jir ah ayaa laga yaabaa inuu haysto fursadii uu raadin jirey. Laacibkii ugu da’ada yaraa ee abid kasoo muuqday horyaalka Premier League ayaa heer sare ku soo qaatey heer da’yar ahaan waxaana uu hada ku soo bilowd kulankii isdiyaarinta xili ciyaareedkii soo socda. Waaya aragnimadiisii uu u soo maray in uu biiro kooxda koowaad ayaa waxaa ku yimid hoos u dhac xoogan isagoo la dhibtoodey inuu jir ahaan taam ahaado. 4 Tar adag oo ka jira garabaha Man Utd ee weerarka. Waxaa jira xidig kasoo muuqda Old Trafford kaasi oo ah Amad Diallooo oo laga yaabo in waqtigii xidigaan la joogo. Laacibka ayaa si fiican u cayaarey dhamaadka xili cayaaredkii 2023/24 wuxuuna aad ula bilowgii xilli ciyaareedkan hada bilaaban raba kulamadii isku diyaarinta gaar ahaan kulankii ay 2-0 kaga adkaadeen kooxii Rangers. Soo laabashada Jadon Sancho kadib markii uu la heshiiyey macalinkiisa ayaa ka dhigan tahey in tartanka uu yahay mid adag booska garabyada United, iyadoo Alejandro Garnacho iyo Marcus Rashford loo badinaayo in ay ku dartamaan gabarka kale ah. Waxqabadka Rashford ee Sabtidii ayaa bixiyay rajo fiican ka dib markii waqti mugdi ah soo qaatey 2023/24. Amad, Sancho, Rashford iyo Garnacho, waa fursadaha ballaaran ee United waa in ay galaan tartan adag.

wixii warar ah ee ku saabskan cayaaraha kubada cagta waxaad kala socon kartaan halkaan maalin kasta iyo saacad kasta. https://www.footbool.net/ ama waxaad kaloo kala socon kartaan facebook bagekeen oo aan maalinkasta soo dhigno wixii warar ah ee ku saabsankan kubada cagta. https://www.facebook.com/

.

By Admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *