Tababaraha Arsenal Mikel Arteta ayaa ugu baaqay qof walba oo kooxda jooga inuu bixiyo dadaal badan oo dheeri iyadoo Gunners ay raadineyso inay aqoonsato oo ay horumariso “margin aad u yar” kaasoo ku kacay horyaalka Premier League xilli ciyaareedkii hore. Kooxda Arteta waxay ahayd kooxdii ugu dhawaa ee Manchester City sanadkii labaad oo isku xigta 2023/24, iyagoo laba dhibcood oo kaliya ka dambeeya kooxdii ugu danbeysey isla markaana qaaday tartanka horyaalka maalinta ugu dambeysa. Macalinkaan reer Spain, ayaa durbaba keenay dhibcihii ugu fiicnaa ee Arsenal tan iyo markii ugu dambeysay ee ay ku guuleystaan ​​horyaalka 2004, waxa uu doonayaa inuu soo afjaro abaarta daba dheeraatay ee horyaal la aanta ah mudo labo iyo toban sano ah.

“Waxan aan sameynay qiimeyn oo leh aragti cad sida aan ku gaarney heerka aan hada joogo iyo wixii aan gaarnay sanadkii hore iyo sababta aan u gaari weynay wixii aan rabnay, taasoo ugu dambeyntii aheyd inaan ku guuleysano koobab waaweyn, gaar ahaan sida aan ugu dhawaadnay inaan noqono horyaalka Premier League. Arteta ayaa sharaxay “Waxan garanaynaa waxyaalaha aan u baahanahay inaan si ka sii wanagsan horumarino.”

Marka aad laba dhibcood ka dambeyso City oo aad isku mid ka tihiin farqiga goolasha, kooxda Arsenal ayaa laga rabaa inay dib u milicsato guuldaradii kulankii Fulham . Waxaa sidoo kale looga naxsaday West Ham garoonka Emirates Stadium seddex maalmood ka hor sidoo kale waxaa si dirqi ah looga badiyay Aston Villa bishaan sidoo kale.”Waan ognahay heerka aan u baahanahay inaan taas sameyno sababtoo ah heerka aan hadda joogno, waxaa jira farqi aad u yar oo lagu hagaajinayo waxaanan isku dayeynaa inaan cadeyno ciladahaas iyo sida aan u hagaajineyno. “Arteta ayaa yiri. “Dhiirigelinteyda iyo aaminaaddayda ayaa ah inaan eegno kooxda iyo inta ay rabaan, inaan eego hareeraha kooxda iyo xaqiiqda ah inaan dhab ahaantii dooneyno in aan ku guuleysano horyaalkan xili cayaareedkan”.

Isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi: “Waxa aan u malaynayaa in farriintu ay aad u caddahay – qof kasta waxa aanu uga baahanahay wax badan, taas macnaheedu waxa weeye shakhsi ahaan waa in aan kor u qaadaa heerkaaga, waxa aan u baahanahay in aan sameyno wax aanan wali sameynin, qof ahaan iyo si wada jir ah ayaanu u baahan nahey in aan sidaas oo kale samayno, taageerayaasheenu, waa isku mid-mar kasta oo ay na caawiyaan, waxa ay fursad u noqon doontaa in aan ku guulaysano Premier League. “Taasi waa waxa aan rabno, marka waxaan u baahanahay inaan maalin walba ku shaqeyno xamaasad, oo aan fahamno dhibka ay leedahay, marka waqtiyada adag ay yimaadaan, waxaan u baahanahay inaan wada jirno si aan uga gudubno caqabadaha.”

wixii warar ah ee ku saabskan cayaaraha kubada cagta waxaad kala socon kartaan halkaan maalin kasta iyo saacad kasta. https://www.footbool.net/ ama waxaad kaloo kala socon kartaan facebook bagekeen oo aan maalinkasta soo dhigno wixii warar ah ee ku saabsankan kubada cagta. https://www.facebook.com/

By Admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *