Endrick ayaa khudbadiisii ​​Real Madrid ee uu ku soo bandhigayay kaga hadlay sida ay u ahayd riyo u rumowday sababtoo ah jacaylkiisii ​​mudada dheer uu u qabay kooxda Real madrid uu hadda ku biiray. Da’yarka reer Brazil, oo u dhaqaaqidiisa Bernabeu ay ku dhowdahay laba sano ayaa waxa uu ahaa mid qiiro leh isaga oo xidhan maaliyadda caanka ah ee cadcad markii ugu horreysay, waxana uu daaha ka qaaday sababta ay tani u tahay wax uu u jeclaa tan iyo markii uu yaraa.

“Ma qorsheyneynin inaan ooyo, laakiin waxaan jeclaa Real Madrid tan iyo yaraanteydii sababtoo ah waxaa jiray qof noloshayda soo galay: Cristiano Ronaldo,” Endrick ayaa daaha ka qaaday. Isaga dartiis ayaan u jeclaadey Real Madrid, waxaan eegay dhamaan xidigihii kooxdaan soo marey wakhti dheer ka hor oo uu ku jiro Emilio Butragueno, waligayba waxaan jeclaa Real Madrid, u ciyaarida Real Madrid waa wax cajiib ah oohintaan iga socota waxey ka timid ruuxdeyda waxaan rajaynayaa inaan taariikh wada samayno. Ronaldo waxa uu Madrid u dhaliyay 450 gool 438 kulan oo uu saftay intii u dhaxaysay 2009 iyo 2018, taas oo qeexaysa waayaha kubbada cagta casriga ah iyo dib u qeexida heerarka ‘world class’ lagu qiimeeyo. Endrick xitaa ma uusan gaarin 3-sano markii ugu horeysay ee Ronaldo uu ku soo biiray Real Madrid uu lacagtii rikoorka adduunka aheyd uu kaga soo wareegay Manchester United.

Xidigaan da yarka ah ayaa geli doona tartanka loogu jiro boosaska Kylian Mbappe, Vinicius Junior iyo Rodrygo xilli ciyaareedka soo socda, laakiin Endrick oo loo gacan galiyay maaliyada No.16 ee Madrid markii ugu dambeysay ee uu xirtay Alvaro Odriozola, ma doonayo inuu si amaah uga tago kooxda si uu u helo waqti fiican oo uu ku ciyaaro.

“Sida aan sheegay, waxaan jeclaa Real Madrid tan iyo markii aan yaraa, waxaana doonayaa inaan halkaan joogo, waxay ahayd riyadeyda, wax kalena kama daneynin,” ayuu yiri. “Waxaan waydiiyay aabahay in Real Madrid ay wadahadalo ku jirto, waxaana u sheegay in aanan dan ka lahayn koox kale, waxaan rajaynayaa in aan xirfadayda oo dhan ku qaato Real Madrid”.

wixii warar ah ee ku saabskan cayaaraha kubada cagta waxaad kala socon kartaan halkaan maalin kasta iyo saacad kasta. https://www.footbool.net/ ama waxaad kaloo kala socon kartaan facebook bagekeen oo aan maalinkasta soo dhigno wixii warar ah ee ku saabsankan kubada cagta. https://www.facebook.com/

By Admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *