Liverpool waxa lagu barakeeyey hibo weerar oo cajiib ah taariikhdeeda soo jireenka ah, gaar ahaan sannadihii u dambeeyay. Saddexda weerar ee Reds ee Mohamed Salah, Roberto Firmino iyo Sadio Mane ayaa ahaa mid ay ka masayreen inta badan kooxaha kale ee Premier League, laacibiinta weerarka ayaa door weyn ka qaatay in kooxda ay soo afjarto 30 sano oo ay sugaysay horyaalkii 19aad.
Jurgen Klopp ayaa dabcan wax badan ku lahaa amaantaas iyo guulahaas, maadaama uu ahaa tababarihii keenay laacibiinta Salah iyo Mane kaliya Firmino ayaa ahaa saxiixii tababarihii isaga ka horreeyay ee Brendan Rodgers. macalinkaan reer Jarmal wuu ogaa, si kastaba ha ahaatee, in ay imaan doonto wakhtiga uu wax gilgili doono 2020-kiina waxa uu bilaabay in uu diyaariyo safka hore ee Liverpool oo wada weerar ah si ay u noqdaan koox afkeeda hore laga baqo oo kooxaha difaac ka galaan.

Diogo Jota ayaa ka yimid Wolves, wuxuuna ku kacay 41 milyan ginni, waxaana labo sano ka dib ku biiray Luis Diaz iyo Darwin Nunez, kuwaas oo imaanshahooda ay ku soo beegantay ka bixitaankii Mane ee Bayern Munich. 12 bilood ka dib waxa ay ahayd Firmino waqtigiisii ​​uu macsalaameeyey Liverpool markaas ka dib ayey kooxdu si weyn isugu diyaarisay in ay Cody Gakpo kala soo wareegto PSV Eindhoven January 2023. Salah ayaa wali ah midka kaliya ee jooga kooxda oo ka mid ahaa weeraradii kooxda guulaha gaarsiiyey. Indhaha Klopp ee hibada u lahaa dhanka weerarka ayaa waxay ahayd mid iska cadd.
Taagerayaasha Qaar ayaa aaminsan in Liverpool ay u baahan tahay Salah, Jota, Diaz, Nunez iyo Gakpo si ay u buuxiyaan baahida dhanka weerarka ee kooxda liverbool, halka kuwo qaar kalena ay qabaan in kooxda ay fursad siiyo xidigaha yar yar ee kooxda u soo baxey oo qaar ka mid ha xidigaha waa weyn ee liverpool.
Diaz ayaa si xoog leh loola xiriirinayay inuu u dhaqaaqayo Barcelona toddobaadyadii la soo dhaafay, halka Nunez uu sidoo kale si ku meel gaar ah loogu sheegay inuu ka tagayo Anfield - in kasta oo ay tahay in la sheego inay jireen sheekooyin yar oo lagu kalsoonaan karo oo muujinaya bixitaanku inuu soo socdo. Jota iyo Gakpo ayaa sidoo kale lagu soo daray codbixinta, iyadoo Salah uu ahaa ciyaaryahanka kaliya ee laga saaray - muhiimadiisa muuqata, iyo maqaamkiisa halyeeynimo, taasoo ka dhigtay xubin aan looga maarmin kooxda.

In ka badan 30,000 oo cod ee la sameeyey cod bixino ah ayaa Diaz waxa uu ahaa ciyaartoyga la doortay 51.7% in la iibiyo haddii Liverpool ay go'aansato in la joogo waqtigii isbeddelka. Taasi ka dib waxaa isana 9,000 cod,helay Nunes oo ka badan ​​28%. oo ah tirada kale ee ugu badan, weeraryahankaan ayaa isana loo codeeyey in uu baxo xagaagan.
Gakpo iyo Jota ayaa u muuqan doona inay taageero weyn ku leeyihiin gudaha taageereyaasha Liverpool, iyadoo labaduba ay heleen codad 12.3% oo keliya codadkaan oo ka hooseeyo 4,000 oo cod. Labaduba waxa la sheegayaa inay yihiin dooqa koowaad ee garabka bidix ee Slot xilli ciyaareedka cusub, inkastoo awoodda Gakpo ee dhexda ay ka dhigan tahay inay labadooduba ka mid noqon karaan kooxda ugu xoogga badan Liverpool.


wixii warar ah ee ku saabskan cayaaraha kubada cagta waxaad kala socon kartaan halkaan maalin kasta iyo saacad kasta. https://www.footbool.net/ ama waxaad kaloo kala socon kartaan facebook bagekeen oo aan maalinkasta soo dhigno wixii warar ah ee ku saabsankan kubada cagta. https://www.facebook.com/




By Admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *